Sunday, June 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R.w ku-xigeenka Oo Ka Qayb Galay Aas Qaran Oo Loo Sameeyey Marxuum Maxamed Axmed Gurxan

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
R.w ku-xigeenka Oo Ka Qayb Galay Aas Qaran Oo Loo Sameeyey Marxuum Maxamed Axmed Gurxan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho November 8, 2015…..Allaha u naxariistee waxaa maanta lagu aasay qabuuraha Isbitaal Madiina ee magaalada Muqdisho Marxuum Maxamed Axmed Gurxan oo kooxo dhagar-qabayaal ah ay shalay ku dileen magaalada Muqdisho. Waxana aaska Marxuumka ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte. Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Federaalka Mudane Jeylaani Nuur Iikar iyo xubno ka tirsan labada golle ee dawladda, Siyaasiyiin iyo dad weyne kale oo kamid ahaayeen ehellada Marxuumka.

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Soomaaliya Jeylaani Nuur Iikar oo Saxaafadda la hadlay aaska ka dib ayaa sheegay in dilka kooxaha Nabad-diidku u geysteen marxuum Maxamed Axmed Gurxan iyo kuwii ka horeeyay aysan hakin doonin howlaha uu qaranka u hayo Baarlamaanka, wuxuna ugu baaqay laamaha amniga inay gacanta kusoo dhigaan kooxihii ka dambeeyay dilka Xildhibaanka cadaaladana la horkeenno.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo ka qayb galay kulan dadweyne oo lagu qabtay Xarunta Degmada Shingaani

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo ka qayb galay kulan dadweyne oo lagu qabtay Xarunta Degmada Shingaani

June 14, 2026
Wasaaradda Cadaaladda oo soo dhaweysay Nootaayooyin lagu magacaabay xeer madaxweyne

Wasaaradda Cadaaladda oo soo dhaweysay Nootaayooyin lagu magacaabay xeer madaxweyne

June 14, 2026

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa dhankiisa tacsi u diray baarlamaanka iyo eheladii uu ka baxay marxuumka iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in baarlamaanka Soomaaliya uu waayay xubin muhim ah.

“Xildhibaan Gurxan wuxuu ahaa qof qaali ku ah bulshada Soomaaliyeed, wuxuu dhintay isagoo dalkiisa iyo dadkiisa u shaqaynaya. Gurxan wuxuu la mid yahay dadkii Soomaaliyeed oo iyaga oo Soomaaliya u halgamaya naftooda ku waayay, uguma horeyn, dabcana uguma dambeyn doono” ayuu yiri R.W ku xigeenka Mudane Maxamed Cumar Carte.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka X. Soomaaliya ayaa mar labaad ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan laamaha amniga soona sheegaan kooxaha shar wadayaasha ah.

—–DHAMMAAD—

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed

Previous Post

Wasiirka Amniga gudaha oo Muwaadiniin Iraan ah ku wareejiyay madaxda safaaradooda ee Muqdisho

Next Post

Maamulka Gaalkacyo ee Galmudug oo lagu wareejiyay gaari iska roge ah

Next Post
Maamulka Gaalkacyo ee Galmudug oo lagu wareejiyay gaari iska roge ah

Maamulka Gaalkacyo ee Galmudug oo lagu wareejiyay gaari iska roge ah

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo ka qayb galay kulan dadweyne oo lagu qabtay Xarunta Degmada Shingaani

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo ka qayb galay kulan dadweyne oo lagu qabtay Xarunta Degmada Shingaani

June 14, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa caawa hoggaamiyay kulan wacyigelin...

Wasaaradda Cadaaladda oo soo dhaweysay Nootaayooyin lagu magacaabay xeer madaxweyne

Wasaaradda Cadaaladda oo soo dhaweysay Nootaayooyin lagu magacaabay xeer madaxweyne

June 14, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Mudane Faysal Aadan Xasan ayaa maanta furay munaasabad lagu...

Dalalka Soomaaliya iyo Masar oo xoojinaya iskaashiga difaaca iyo tababarrada ciidanka

Dalalka Soomaaliya iyo Masar oo xoojinaya iskaashiga difaaca iyo tababarrada ciidanka

June 14, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka XDS, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan la qaatay U Qaybsanaha Arrimaha Difaaca ee Safaaradda Jamhuuriyadda Carabta...

Wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo la qaabilay

Wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo la qaabilay

June 13, 2026
0

Wasiir-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS Cali Maxamed Cumar Cali Balcad, ayaa maanta qaabilay wefdi ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In