Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sh Maxamuud iyo Wafdiga la socda ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Intebba ee dalka Uganda ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Ugandaย Yoweri Kaguta Museveni iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladdaasi.
Madaxweynaha Soomaaliya oo booqasho halmaalin ah ku joogi doona dalkaasi ayaa kulan saacado qaatay la yeeshay dhigiisa dalka Ugandha waxaana kulankaasi lagu falaanqeeyay arimo gaar ah oo ay qeyb ka tahay arimaha Amaanka dalka soomaaliya iyo sidoo loo xoojin lahaa taageerada milatari ay Ugandha siiso dowladda soomaaliya.
Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay arimaha ladagaallanka Argagixisada Al-shabab iyo xoojinta howlgalada Ciidamada midowga Afrika ee Amisom.
Madaxweynaha Ugand Yoweri Kaguta Museveni ayaa dhiniciisa Ballan qaaday in dowladdiisu sii Xoojineyso taageerada iyo xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya labada dowladdood.
Dalka Uganda ayaa Soomaaliya u soo diray Kumanaan Ciidamo ah kuwaas oo hoggaaminaya howlgalka Milatari ee AMISOM ay ka waddo soomaaliya kaas oo goballo badan ka saaray maleeshiyada argagixisada ah ee Al-shabab Al-Qaacidda.