Monday, May 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Galmudug oo magacaabay Guddoomiyaha Gobalka Mudug iyo Ku-xigeenadiisa “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Galmudug oo magacaabay Guddoomiyaha Gobalka Mudug iyo Ku-xigeenadiisa “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa magacaabay Guddoomiyaha cusub gobolka Mudug iyo ku-xigeenadiisa, iyadoo caawa xaflad arrintaasi ku saabsan lagu qabtay magaalada Gaalkacyo.

Xafladaan oo si wayn loo soo agaasimay ayaa waxaa kasoo qeyb-galay Wasiirada Waxbarashada Galmudug ee kala ah, Caafimaadka, Wasiiru-dowlaha arrimaha gudaha, Wasiir ku-xigeenka Cayaaraha iyo Dhalinyarada, Wasiir ku-xigeenka Cadaalada, Xildhibaanno, madaxdii hore ee Galmudug soo maray, siyaasiyiin, Qurba-joog, Haween, Culimaa’udiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada gobalka Mudug.

Related posts

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Uganda

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Uganda

May 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo la dhaariyay

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la dhaariyay

May 11, 2026

Munaasabada ayaa lagu shaacinayay Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug oo Guddoomiyaha gobalka Mudug loogu magacaabay Mudane Cabdirashiid Xaashi Cartan.

Munaasabada waxaa ka hadlay qaar kamid ah Wasiirada Galmudug ee madasha goobjooga ka ahaa waxa ayna aad usoo dhaweeyeen Guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay gobalka Mudug, waxayna kula dardaarmeen inuu howshiisa si Wadaniyad ah ka muuqato u guto.

Guddoomiyaha cusub ee gobalka Mudug Mudane Cabdirashiid Xaashi Cartan oo madasha isna ka hadlay ayaa ka mahadceliyay xilka loo magacaabay, waxuuna ugu baaqay bulshada reer Mudug inay kala shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa gobalkaan.

Madaxweynaha dowlada Galmudug Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed oo gaba-gabadii xaflada ka hadlay ayaa sheegay inuu karti iyo aqoon usoo xushay Mudane Cabdirashiid Xaashi Cartan inuu noqdo Guddoomiyaha gobalka Mudug, waxuuna kula dardaarmay inuu Bulshada gobalka Mudug ugu shaqeeyo si howl-karnimo iyo daacadnimo ay ku dheehan tahay.

Mudane Cabdikariin ayaa Guddoomiyihii hore ee gobalka Mudug Mudane Aways Cali Siciid ku ammaanay iuu wax badan ka qabtay arrimo ay ka mid tahay ammaanka magaalada Gaalkacyo, waxuuna Guddoomiyaha cusub uu tilmamay in ay hor taalo shaqo adag oo loo baahan yahay in uu wax badan ka qabto.

MADAXWEYNAHA  GALMUDUG AYAA SIDOO KALE MAGACAABAY.

Mudane Cabdi Xuseen Sheikh Ahmed Gudoomiye Kuxigeenka Arrimaha Siyaasada iyo Amniga ee gobolka

Axmed Maxamed Shire Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iy Maaliyadda ee gobolka

Maxamed Ali Adan Guddoomiye Ku-xigeenka Arimaha Bulshada ee gobolka

mudug_guddo (1) mudug_guddo (2) mudug_guddo (4) mudug_guddo (5)

Previous Post

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Oo U Ambabaxay Suudaan+Sawirro

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Uganda

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Uganda

May 11, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kampala ee Jamhuuriyadda Yugaandha,...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la dhaariyay

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la dhaariyay

May 11, 2026
0

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka BJFS ayaa ka dhacay Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa, waxaana shir...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

May 11, 2026
0

Nayroobi, Kenya – 11 Maajo 2026---Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa si rasmi ah u soo gabagabeysay wejiga koowaad ee barnaamij...

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Biljimka oo ku baaqday ka qaybgalka doorashooyinka ka socda dalka

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Biljimka oo ku baaqday ka qaybgalka doorashooyinka ka socda dalka

May 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Biljimka ayaa ku baaqday midnimo iyo in shacabka Soomaaliyeed ay si firfircoon uga qayb...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In