Wednesday, August 27, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Galmudug oo magacaabay Guddoomiyaha Gobalka Mudug iyo Ku-xigeenadiisa “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 8, 2015
in Wararka
0
Madaxweynaha Galmudug oo magacaabay Guddoomiyaha Gobalka Mudug iyo Ku-xigeenadiisa “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa magacaabay Guddoomiyaha cusub gobolka Mudug iyo ku-xigeenadiisa, iyadoo caawa xaflad arrintaasi ku saabsan lagu qabtay magaalada Gaalkacyo.

Xafladaan oo si wayn loo soo agaasimay ayaa waxaa kasoo qeyb-galay Wasiirada Waxbarashada Galmudug ee kala ah, Caafimaadka, Wasiiru-dowlaha arrimaha gudaha, Wasiir ku-xigeenka Cayaaraha iyo Dhalinyarada, Wasiir ku-xigeenka Cadaalada, Xildhibaanno, madaxdii hore ee Galmudug soo maray, siyaasiyiin, Qurba-joog, Haween, Culimaa’udiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada gobalka Mudug.

Related posts

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS iyo saraakiil kale oo kormeeray deegaanka Number 50

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS iyo saraakiil kale oo kormeeray deegaanka Number 50

August 26, 2025
Guddoomiyaha SoDMA oo mashruuc muhiim ah ka daah-furay Balcad

Guddoomiyaha SoDMA oo mashruuc muhiim ah ka daah-furay Balcad

August 26, 2025

Munaasabada ayaa lagu shaacinayay Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug oo Guddoomiyaha gobalka Mudug loogu magacaabay Mudane Cabdirashiid Xaashi Cartan.

Munaasabada waxaa ka hadlay qaar kamid ah Wasiirada Galmudug ee madasha goobjooga ka ahaa waxa ayna aad usoo dhaweeyeen Guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay gobalka Mudug, waxayna kula dardaarmeen inuu howshiisa si Wadaniyad ah ka muuqato u guto.

Guddoomiyaha cusub ee gobalka Mudug Mudane Cabdirashiid Xaashi Cartan oo madasha isna ka hadlay ayaa ka mahadceliyay xilka loo magacaabay, waxuuna ugu baaqay bulshada reer Mudug inay kala shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa gobalkaan.

Madaxweynaha dowlada Galmudug Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed oo gaba-gabadii xaflada ka hadlay ayaa sheegay inuu karti iyo aqoon usoo xushay Mudane Cabdirashiid Xaashi Cartan inuu noqdo Guddoomiyaha gobalka Mudug, waxuuna kula dardaarmay inuu Bulshada gobalka Mudug ugu shaqeeyo si howl-karnimo iyo daacadnimo ay ku dheehan tahay.

Mudane Cabdikariin ayaa Guddoomiyihii hore ee gobalka Mudug Mudane Aways Cali Siciid ku ammaanay iuu wax badan ka qabtay arrimo ay ka mid tahay ammaanka magaalada Gaalkacyo, waxuuna Guddoomiyaha cusub uu tilmamay in ay hor taalo shaqo adag oo loo baahan yahay in uu wax badan ka qabto.

MADAXWEYNAHA  GALMUDUG AYAA SIDOO KALE MAGACAABAY.

Mudane Cabdi Xuseen Sheikh Ahmed Gudoomiye Kuxigeenka Arrimaha Siyaasada iyo Amniga ee gobolka

Axmed Maxamed Shire Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iy Maaliyadda ee gobolka

Maxamed Ali Adan Guddoomiye Ku-xigeenka Arimaha Bulshada ee gobolka

mudug_guddo (1) mudug_guddo (2) mudug_guddo (4) mudug_guddo (5)

Previous Post

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Oo U Ambabaxay Suudaan+Sawirro

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS iyo saraakiil kale oo kormeeray deegaanka Number 50

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS iyo saraakiil kale oo kormeeray deegaanka Number 50

August 26, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar iyo Ganeraal Sebahattin Kalkan, Taliyaha Ciidanka Turk-Som, ayaa gaarey deegaanno...

Guddoomiyaha SoDMA oo mashruuc muhiim ah ka daah-furay Balcad

Guddoomiyaha SoDMA oo mashruuc muhiim ah ka daah-furay Balcad

August 26, 2025
0

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdille, ayaa maanta safar dhulka ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la yeeshay Hoggaanka Gobolka Ningxia ee dalka Shiinaha

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la yeeshay Hoggaanka Gobolka Ningxia ee dalka Shiinaha

August 26, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta kulan la yeeshay Hoggaamiyaha Gobolka Ningxia, ahna Xoghayaha...

Waddooyinka Muqdisho oo si casri ah loo dhisayo

Waddooyinka Muqdisho oo si casri ah loo dhisayo

August 26, 2025
0

Guddoomiye Ku-xigeenka Hawlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Cabdimajiid Daahir Aadan, ayaa maanta kormeeray waddada Buundooyinka oo isku xirta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In