Madaxwayne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug oo ay weheliyaan Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan Dowlad Galmudug iyo maamulka Degmada Balanbal ayaa maanta dhagax dhigay guriga martida ee Degmada.
Madaxweyne ku Xigeenka iyo Waftigiisa ayaa sidoo kale booqasho ku tagay xarunta garsoorka Degmada, Iskuulka Sare ee Degmada Balanbal, Guriga haweenka Degmada iyo Kuleej dhismihiisa uu waqtigaasi socday oo loogu tala galay in lagu daryeelo, laguna koriyo Agoonta ku dhaqan magaalada Balanbal.
Booqashada wafdigan ay ku sameeyeen xarumaha bulshada ee degmada Balanbal ayaa aheyd mid mas’uuliyiinta inta badani ay socod ku tagayeen goobaha ay booqanayeen, waxaana Xarumaha ay booqdeen ay ahaaeen kuwa uu ka muuqdo burbur baahsan iyo kuwa u baahan dayactir.
Xarunta Cadaalada iyo Garsoorka ayaa ka mid ah meelaha bur burka uu ka muuqday waxaana markii halkaasi ay booqashada ku tageen wafdiga ka socday Dawlada Galmudug uga warbixiyay Gudoomiyaha Degmada Balanbal Hareeri Xasan Barre oo tilmaamay in xaruntu ay kamid tahay meelaha ku bur burtay dagaaladii ka dhacay Degmada 1982.kii ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Ethiopia.
Madaxwayne Ku-xigeenka iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale booqday Iskuulka Sare ee degmada Balanbal waxaana ay halkaasi ku wareysteen macalimiinta iyo Ardaga wax ka barata iskuulkaasi.
Wafdiga ayaa sidoo kale booqashada ku tagay xarun Kuleej uu dhismihiisu waqtigaasi socday, waxaana wafdiga oga warbixiyay Gudoomiyaha degmada Balambal baahida iyo duruufta keentay in la sameeyo kuleejkaas.
Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Dawladaha hoose Mudane Jaamac Xassan Salaad (Sheelare) oo ka hadlay kormeerka ay ku marayeen xarumaha bulshada ayaa sheegay in ay ahmiyad u leedahay Dawlada Galmudug adeegyada lagu hormarinayo degmada.
Madaxwayne ku Xigeenka dawalada Galmudug Mudane Maxamed Xaashi Cabdi ayaa dhankiisa ka warbixiyay kormeerka ay ku mareen xarumaha Bulshada Degmada Balanbal waxaana uu sheegay in dawladiisu ay xil iska saari doonto wax u qabashada bulshada Galmudug.
C/kariin Axmed Bulxan
Balanbal Soomaaliya