Friday, April 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ku-simaha Madaxweynaha dalka oo ka qeyb galay kulan looga hadlayay dib u eegista dastuurka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Soo Saaray Go’aan Ku Saabsan Maareynta Wadahadal gelinta Mooshinka Madaxweynaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ahna Ku-simaha Madaxweynaha Dalka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta shir guddoomiyay kulan looga hadlayay sidii dib u eegis loogu sameyn lahaa cutubyo ka tirsan dastuurka KMG ah ee dalka, kaasi oo ay ka qeyb galeen Guddiga Baarlamaanka ee dasturka iyo kan madaxa banana ee dastuurka, isla markaana uu goob joog ka ahaa Wasiirka Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya.

Inta uu kulanka socday ayaa Guddiga Madaxa banaan waxa ay Guddiga Baarlamaanka ee dastuurka ku wareejiyeen cutubka koowaad iyo afaraad oo ay dib u eegis ku soo sameeyeen, si loo horgeeyo Baarlamaanka Federaalka ah, waxaana xubno ka tirsan guddiga Baarlamaanka ay kan madaxa banaan ku wareejiyeen dhankooda cutubyada labaad, saddexaad iyo shanaad, si ay turxaan bixin ugu soo sameeyaan, kuwaasi oo ahaa dhanka farsamada.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Madaxweyne Erdoğan

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Madaxweyne Erdoğan

April 16, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Istiraatiijiyadda Qaran ee La-dagaallanka musuqmaasuqa oo la ansixiyey

April 16, 2026

Guddoomiyaha Guddiga dastuurka ee baarlamaanka Federaalka ah Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim oo ka guddoontay Guddiga madaxa banaan ee dastuurka cutubyada aan kor ku soo xustay ayaa tilmaamtay inay sii wadayaan latashiyada ku aadan arrimaha dastuurka.

Wasiirka Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka ah Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa xusay in goordhaw ay dhameyn doonaan dib u eegista lagu sameynayo dastuurka, isagoo tilmaamay in haatan arrimaha dastuurka ay meel wanaagsan marayaan.

Guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo gabo gabadii kulanka ka hadlay ayaa ku bogaadiyay guddiyada baarlamaanka ee dastuurka iyo kan madaxa Banaan howlaha ay hayaan, si waxyaabaha ay ka soo turxaan bixiyeen loo horgeeyo golaha shacabka.

 

 

 

Previous Post

Axmed Cali Xaashi oo loo doortay Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo Ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhurnimo Ee Radio Muqdisho

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Madaxweyne Erdoğan

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Madaxweyne Erdoğan

April 16, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Dolmabahçe ee magaalada Istanbul waxa uu kulan kula yeeshay Madaxweynaha...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Istiraatiijiyadda Qaran ee La-dagaallanka musuqmaasuqa oo la ansixiyey

April 16, 2026
0

War-saxaafadeed: Ansixinta Istiraatiijiyadda Qaran ee La-dagaallanka musuqmaasuqa (NACS - 2026–2030).  

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Safiirka Hindiya ka guddoomay nuqul ka mid ah warqadda Danjirenimo

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Safiirka Hindiya ka guddoomay nuqul ka mid ah warqadda Danjirenimo

April 16, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa xarunta Wasaaradda ku...

Ciidanka Xoogga oo howlo biyo dhaamin ah ka wada deegaanada Gobolka Sh/Hoose

Ciidanka Xoogga oo howlo biyo dhaamin ah ka wada deegaanada Gobolka Sh/Hoose

April 16, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka yaa gurmad biyo Dhaamin ah u sameeyay shacabka ku dhaqan Deegaanka Dhanaane ee duleedka Degmada Marka oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In