Wednesday, July 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Axmed Cali Xaashi oo loo doortay Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 9, 2015
in Wararka
0
Axmed Cali Xaashi oo loo doortay Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Axmed Cali Xaashi ayaa loo doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, kadib markii uu ku guuleystay doorashadii maanta ka dhacday magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal, kaasoo ay ku tartamayeen illaa saddex musharax.

Wareega kowaad ayaa waxaa ku tartamayay ilaa iyo saddex musharax kuwaasi oo kala ah Axmed Cali Xaashi, Cabdixakiin Maxamed Axmed iyo Saciid Samatar, waxaana wareegii kowaad ay codadka u kala heleen sidan

Related posts

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025

Axmed Cali Xaashi oo helay 40 cod, Cabdixakiin Maxamed Axmed oo helay 19 cod iyo Saciid Samatar surcad oo isna helay 3 cod.

Axmed Cali Xaashi ayaa helay 41 cod wareegii labaad, halka musharaxii kale ee tartamayay uu isna helay Cabdixakiin Maxamed Axmed uu isna helay 22 cod, sidaasina waxa uu Axmed Cali Xaashi ku noqday Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland, sida uu shaaciyay Guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka Puntland Cabdixamiid Sheekh Cabdisalaan.

Musharaxa laga guuleystay Cabdixakiin Maxamed Axmed ayaa ugu hambalyeeyay Guddoomiyaha cusub ee la doortay, waxaana uu xusay inuu ku faraxsan yahay habka ay u dhacday doorashada.

Waxaa uu noqonayaa Guddoomiyihii labaad ee Baarlamaanka Puntland, kadib markii 28-kii October uu Xilka Guddoomiyihii Baarlamaanka iska casilay Saciid Xasan Shire.

 

 

 

 

Previous Post

Madaxweyne Xasan oo la kulmay dhigiisa Jabuuti “SAWIRRO”

Next Post

Ku-simaha Madaxweynaha dalka oo ka qeyb galay kulan looga hadlayay dib u eegista dastuurka

Next Post
Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Soo Saaray Go’aan Ku Saabsan Maareynta Wadahadal gelinta Mooshinka Madaxweynaha

Ku-simaha Madaxweynaha dalka oo ka qeyb galay kulan looga hadlayay dib u eegista dastuurka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025
0

 Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay...

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo ka warbixiyay diyaarad kusoo dhacday Garoonka Aadan Cadde

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo ka warbixiyay diyaarad kusoo dhacday Garoonka Aadan Cadde

July 2, 2025
0

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in diyaarad nooca Helicopter...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In