Munaasabad ballaaran oo shahaaddooyin lagu guddoonsiinayay arday baratay cilmiga dawada, kuwaasoo ka qalin jebiyay jaamacadda Jamhuuriya ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Xaflad ay ku qalin jabinayeen ku dhawaad 70 arday ย oo dhameysatay wax barashada heerka dibloomada ee taqasuska cilmiga barashada ย daawada oo ay bixiso ย jaamacadda jamhuuriya ayaa waxaaย ka qeyb galay maamulka jaamacadda, macalimiin, waalidiin,ย arday, iyo marti sharaf
Intaย ay munaasabadda socotay ayaa looga hadlay faaโiidooyinkaย uu ummadda Soomaaliyeed u leeyahay barashada cilmiga daawadaย iyo baahida loo qabo in la helo dhalinyaro ย baratay cilmigaas.
Macalimiintii iyo marti sharaftiiย ka hadashay munaasabadda ayaa ardayda ku boorrisay in ay waxbarashada sii wadaan ย islamarkaana ay bulshada uga faaโideeyaan cilmiga ay barteen.
Qaar ka mid ah ardaydii kaย qalin jabisayย jaamacadda oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa muujiyay sida ay ugu faraxsanyihiin barashada maaddada cilmiga dawada oo ay ka qalin jibiyeen, iyagoo ku amaanay maamulka iyo macalimiinta jaamacadda Jamhuuriya dhiiri gelintooda wanaagsan oo ay la garab taagnaayeen muddadii ay wax barashada ku jireen.
Madaxa jaamacadaha ee wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare mudaneย Bashiir Maxamuud Jimcaaleย oo dhankiisa munaasabadda ka hadlayย ayaa arday ugu hambalyeeyay dadaalka ay muujiyeen, isagoo ku boorriyay iney si kordhiyaan waxbarashada si ay ummaddooda ugu faaโiideeyaan.
Gudoomiyaha jaamcadda jamhuuriya Prof Maxamuudย Axmed Jimcaale oo munaasabadda soo xiray aya ardayda kula dardaarmay in ay saameyn ku yeeshaan xaaladaha caafimaad ee wadanka ย ka jira iyagoo maanka ku haya baahida ay ummadda Soomaaliyeed u qabto helidda aqoonyahanno wax u soo bartay dalkooda iyo dadkooda.
Gabagabadii munaasabadda ayaa ardayda waxaa la doonsiiyayย ย ย shahaaddooyin iyo abaalmarinno ka tujumaya cilmiga ay soo barteen.
Sawir qaade: Maxamed Ibraahim Raage “Honest”