Mas’uuliyin ka tirsan Dowlada Fedraalka Soomaliya, Saraakisha Ciidmada qalabka sida, Maamulka gobalka Banaadir, gudoomiyaasha degmoyinka, Fannaanin, iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa ka qeyb galay munaasabada lagu taageerayay gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xusen Jimcaale kaas oo ka dhacay xarunta Degmada Xamar weyne,
Munaabadda inti ay socotay ayaa lagu soo bandhigay suugaan ka hadlaysay Waddaninimada iyo in dadka Soomaliyed ay ka qeyb galaan nabadda iyo hormarka.
Gudoomiyaha Degmada Xamar Weyne Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir oo hadlay ayaa sheegay in dadka reer Xamar weyne ay yihiin dad Xadaarad badan oo jecel nabada, ayna ka qeyb qaataan horumarinta hanaanka dowladnimada.
Gudoomiye ku xigeenka dhinaca arimaha Bulshada ee maamulka gobalka Banaadir Imaam Nuur Iikar ayaa xusay in mas’uul iyo shacaba laga qeyb qaato Hormarinta Nadaafadda Caasimada iyo adkeynta amniga.
Duqa Magaalada Muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale waxa uu ka hadlay in maamulka gobalka uu xoojin doono horumarinta nabadgalyada, nadaafadda, iyo furinsta waddooyinka.
Xildhibaan Ibraahim Saalax “Deyfulah” oo ka mid ah Barlamaanka Soomaliya iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dastuurka ee Xukuumada Soomaliya Drs. Fahmo Axmed Nuur ayaa kula dardaarmay Duqa Magaalada in uu xoogga saaro sidii Muqdisho ay u noqon laheyd mid la tartanto Caasimadaha kale ee caalamka.