Thursday, October 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Gudaha PuntLand oo Columbus Kula Kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed Ee Magaaladaasi “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Gudaha PuntLand oo Columbus Kula Kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed Ee Magaaladaasi “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xaflad lagu soo dhaweynayay Wasiirka Arrimaha Gudaha Maaamul Goboleedka soomaaliyeed ee PuntLand Ahmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ayaa waxaa ka soo qeyb galay qaar ka mid ah Jaaliyada soomaalida ee Magaalada Columbus dalka Mareykanka.

Isu imaatankani oo isugu jiray Xog waraysi iyo soo dhaweyn ayaa wax ka hadlay xubno ka tirsan Culumaa’udiin,Siyaasiyiin,iyo Odayaal dhaqameed, waxaana si aan kala har lahayn  ay u muujiyeen sida ay ugu faraxsanyihiin in ay magalada Columbus ku soo dhaweeyaan Wasiirka oo lagu tilmaamay in uu wax fara badan ka qabtay Deegaanada Puntland.

Related posts

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ku guuleysatay abaalmarin Caalami ah

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ku guuleysatay abaalmarin Caalami ah

October 16, 2025
Madaxweynaha JFS oo qaabilay Xildhibaannada Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Xildhibaannada Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

October 16, 2025

Sheikh Muqtar Xassan oo ka mid ah Culimada magaalada Columbus oo ka hadlay Xaflada ayaa sheegay in ay wanaagsan tahay in soo dhaweyn iyo wada shaqaynba loo muujiyo qof kasta oo Mas,uul ah hadii uu ahaa lahaa mid Goboleed iyo Mid Dowlada  dhexe ka socda intaba, laakiin waxaa uu carabka ku adkeeyay in jiritaanka Soomaalinimadu ay tahay arin muqadas ah islamarkaana ay wax walba ugu horeyso in arintaas uu qof kasta maskaxda ku hayo.

Ibrahim Xajji Maxamud (Ibrahim Baroon) oo isaguna ka hadlay Goobta ayaa sheegay in ay gacmo furan iyo qalbi wanaag ay ku soo dhaweynayaan Wasiirka asagoo intaas raaciyay in ay ka dhageysan doonaan wixii war bixin ah ee uu wasiirku uga wado guud ahaan Dalka Soomaaliya gaar ahaana deegaanada Puntland ayna fari doonaan talo iyo Tusaalooyinka uga aadan sidii lagu sii hor marin lahaa Dalka.

Inkastoo ay dad fara badan ka hadleen Xaflada hadana waxaa ay inta badan ka sinaayeen in loo baahan yahay sidii ay Ummada Soomaaliyeed uga wada shaqeyn lahayd midnimada iyo wada jirka taas oo ah mida kaliya ee lagu heli karo Dowlad buuxda oo hanata guud ahaan dalka.

Gaba gabadii xaflada ayaa waxaa ka hadlay Wasiir Ahmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) oo war bixin dheer oo dhinacyo badan taabanaysa u jeediyay ka soo qeyb galayaasha kulanka waxaana uu Wasiirku sheegay in horu maro fara badan laga sameeyay deeganada Puntland laakiin ay arintu tahay Faanoole fari kama qodna oo uu ku micneeyay in wali ay taaganyihiin arimo u baahan in xal loo helo.

Waxaa uu ugu baaqay Jaaliyadaha dibada ee ka soo jeeda Puntland in looga fadhiyo laakin ta ay ku leeyihiin horumarinta Dalka asagoo tusaale ugu soo qaatay in ay jirto baahi loo qabo in la helo gaadiidka Gurmadka deg dega ee Caafimaadka iyo Bad Damisyada.

Ugu dambayntii waxaa uu uga mahad celiyay Jaaliyada magaalada Columbus sida wanaagsan ee ay usoo   dhaweeyeen isagoo sheegay in uu u gudbin doono Maamulka uu Wasiirka ka yahay ee Puntland wixii talo iyo Tusaalooyin ah ee  ay Jaaliyadu usoo gudbiyeen, Xaflada ayaa waxaa qeyb ka ahaa Heeso lagu amaanayay waxqabadka Dowlad Goboleedka  Puntland.

IMG_9331 IMG_9346 IMG_9363 IMG_9367 IMG_9392 IMG_9405 IMG_9412 IMG_9415 IMG_9428 IMG_9434 IMG_9437 IMG_9439 IMG_9441 IMG_9451 IMG_9458 IMG_9467 IMG_9486 IMG_9495 IMG_9538 IMG_9543 IMG_9554 IMG_9558 IMG_9569

Previous Post

Shirkii Madasha wadatashiga Qaran oo maanta si rasmi ah uga furmay Muqdisho “Sawirro”

Next Post

Shirkii Madasha wadatashiga Qaran oo maanta si rasmi ah uga furmay Kismaayo  “Sawirro”

Next Post
Shirkii Madasha wadatashiga Qaran oo maanta si rasmi ah uga furmay Kismaayo  “Sawirro”

Shirkii Madasha wadatashiga Qaran oo maanta si rasmi ah uga furmay Kismaayo  “Sawirro”

From Poverty to Prosperity: A Shared Commitment to Jobs, Equity and Resilience for Somalia

From Poverty to Prosperity: A Shared Commitment to Jobs, Equity and Resilience for Somalia

October 16, 2025
0

By H.E. Bihi Iman Egeh, Minister of Finance, Federal Government of Somalia, and Hideki Matsunaga, Country Manager, World Bank Group,...

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ku guuleysatay abaalmarin Caalami ah

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ku guuleysatay abaalmarin Caalami ah

October 16, 2025
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) ayaa maanta ka heshay abaalmarin iyo aqoonsi heer caalami ah shirkii World Food Forum, taasoo...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Xildhibaannada Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Xildhibaannada Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

October 16, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay xubnaha cusub ee la doortay ee...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Xildhibaannada Soomaaliya ku matelaya Baarlamaanka EAC

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Xildhibaannada Soomaaliya ku matelaya Baarlamaanka EAC

October 16, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo la kulmay Xildhibaannada Soomaaliya ku matali doona Baarlamaanka Urur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In