Monday, July 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Beelo lagu heshiiyay Jowhar

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Qaban qaabada dibad baxyo lagu taageerayo shirki IGAD ee shalay ka dhacay Muqdisho oo ka socda Jowhar
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi wasiiro iyo xildhibaano ka kooban oo ka socda dowladda Dhexe oo shalay gaaray magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa ka qeyb galay gogol lagu soo afjaray dib-u-heshiisiin uu maamulka gobolku ka dhex waday beelo dhawaan ku dagaallamay qeybo ka mid ah degmada Jowhar.

Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe Cali Cabdullaahi Guudlaawe ayaa tilmaamay in beelahaan oo markii hore dhul-beereed ku dagaallamay ay heshiis gaareen, isla markaana ay mihiim tahay in laga fogaado colaadaha beelaha oo aysan mar dambe soo noqon.

Related posts

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay ku dhawaad 30 ka tirsan Khawaariijta

July 12, 2026
Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

July 12, 2026

Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble oo ka hadlay madasha ayaa sheegay in loo baahan in dadka gobolku ay daris wanaag muujiyaan, islamarkaana ay xalliyaan khilaafadkooda ka hor inta aysan gacan ka hadal gaarin arrinti, isagoo maamulka gobolka kula dardaarmay inuu ka shaqeeyo isu soo dhaweynta bulshada.

Wafdigaan ayaa ka kooban wasiiru-dowlaha arrimaha gudaha Cabdirashid Maxamed Xidig, Wasiirka kalluumaysiga Maxamed Cumar Ceymooy, wasiiru-dowladaha maaliyadda Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo xilbaano ka tirsan baarlamaanka oo ay ka mid yihiin Xildhibaan Cabdqaadir Cosoble, Xildhibaan Cabsisataar Cabdisalaan Sh Xasan Iyo Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi.

Previous Post

Macallimiin loo tababarayo kubbadda Laliska

Next Post

Wariye Axmed Xasan Cowke oo geeriyooday

Next Post
Wariye Axmed Xasan Cowke oo geeriyooday

Wariye Axmed Xasan Cowke oo geeriyooday

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay ku dhawaad 30 ka tirsan Khawaariijta

July 12, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay duqeymo lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Khawaarijta ee...

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

July 12, 2026
0

Qaar ka mid ah gabdhaha saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kulan dhiirigelin iyo hambalyo ah u sameeyay Caaliya Maxamed...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqasho ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqasho ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

July 12, 2026
0

Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya,...

Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026 oo lagu soo gabagabeeyay Singapore

Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026 oo lagu soo gabagabeeyay Singapore

July 12, 2026
0

Waxaa si rasmi ah u soo gebageboobay Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026, oo socday muddadii u dhexeysay 1-da Juun...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In