Wednesday, May 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dawlada INDIA ayaa tababar ugu deeqday shaqaale Soomaali gaaraya ilaa 150 qof.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
November 17, 2015
in Wararka
0
Dawlada INDIA ayaa tababar ugu deeqday shaqaale Soomaali gaaraya ilaa 150 qof.

????????????

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse “Waa in talada shacabka loo celiyo si loo helo xasillooni siyaasadeed.”

Ra’iisul Wasaare Xamse “Waa in talada shacabka loo celiyo si loo helo xasillooni siyaasadeed.”

May 14, 2025
Madaxweyne Qoor Qoor “Albaabka Doorashada dadban waa la xiray, talada Shacabka lagu soo celiya.”

Madaxweyne Qoor Qoor “Albaabka Doorashada dadban waa la xiray, talada Shacabka lagu soo celiya.”

May 14, 2025

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Axmed Xaaji Cabdi oo wareysi warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in tabarbarkaasi dawlada INDIA uu ku yimid dadaal iyo isxilqaan ka dib ay sameysay wasaarada ka dibna aan ka codsaney in Dawalada INDIA naga caawiso dhanka tababarka isgaarsiinta.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Axmed Xaaji Cabdi ayaa sheegay in tabarbarkaasi shaqaalaha 150 shaqaale aysan awood u lahey in wasaarada boostada dirto tiro shaqaale intaasi la eg oo leh aqoonta iyo cilmiga tababarkaasi ku saabsan wasaarada ay u dirto dalka INDIA.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Axmed Xaaji Cabdi ayaa sheegay in Wasaaradu qorsheysay in tababarkaasi isgaarsiinta u qaybiso dhamaan wasaaradaha xukuumada shaqaalaha waaxda isgaarsiinta,waxa kaloo uu sheegay in bisha desembar ee sannadkan ay baxayaan shaqaale gaaraya 60 –qof, bisha febraayo ee sannadka 2016 ay baxaayaan 30-kale ,k dibna 60-ka kale ay bixidoon bartamaha sannadka 2016.
Agaasimaha Guud ee wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Axmed Xaaji Cabdi ayaa ka warbixiyey safaridii iyo shirarkii isgaarsiinada Caalmaka uu ka qayb galey dalka Jarmalka magaalada Municha ayaa halkaas uga qaybgalay shir soconayay 5 maalmood kaasoo ay soo qabanqaabisey hay’adda Isgaarsiinta Caalamka (ITU).
Shirkaasi oo lagu qabtey xarunta weyn ee shirkadda Rohde iyo Schwartz oo ah shirkadda ugu horeysa caalamka ee sameysa qalabka lagu maamulo laguna maareeyo Isticmaalka Hirarka (Spectrum Management). Shirkaasi oo lagu casuumay agaasimaha kadib codsi ay wasaaraddu u dirtey hay’adda ITU baahida dawladda Soomaaliyeed u qabto inay maamusho hirarka kala duwan ee ay Isgaarsiintu ku shaqeeyaan.
Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa wada dadaalo oo kusaabsan arimaha Isgaarsiinta iyo sharciga Isgaarsiintuna uu horyaallo golaha baarlamaanka
Agaasimaha Guud ee wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Axmed Xaaji Cabdi ayaa ugu danbeyn ugu baaqey dhamaan shirkadaha ,Isgaarsiinta ,Raadiyayaasha,shirkadaha Bixiya qadadka Internetka in ay Wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta iska diiwaan galiyaan.

Previous Post

Madaxweynaha oo Dubai uga qeyb galaya Shir Ganacsiga ku saabsan

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo Ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhurnimo Ee Radio Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamse “Waa in talada shacabka loo celiyo si loo helo xasillooni siyaasadeed.”

Ra’iisul Wasaare Xamse “Waa in talada shacabka loo celiyo si loo helo xasillooni siyaasadeed.”

May 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa ku tilmaamay hubanti la’aanta siyaasadeed ee dalka ka jirtay muddo...

Madaxweyne Qoor Qoor “Albaabka Doorashada dadban waa la xiray, talada Shacabka lagu soo celiya.”

Madaxweyne Qoor Qoor “Albaabka Doorashada dadban waa la xiray, talada Shacabka lagu soo celiya.”

May 14, 2025
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), ayaa si cad u sheegay in maamulka uu go’aansaday in uu...

Wasiirka Kalluumeysiga Soomaaliya oo kulan Muqdisho kula qaatay Safiirka Turkiye   

Wasiirka Kalluumeysiga Soomaaliya oo kulan Muqdisho kula qaatay Safiirka Turkiye   

May 14, 2025
0

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa shir heer sare ah kula qaatay Magaalada Muqdisho Safiirka...

Wasiirka Maareeye oo Azerbaijan uga qaybgalaya bandhigga Beeraha

Wasiirka Maareeye oo Azerbaijan uga qaybgalaya bandhigga Beeraha

May 14, 2025
0

Wasiirka Beeraha iyo waraabka JFS Xil. Maxamed Cabdi Xayir ( Maareeye) iyo wafdigii uu hogaaminaayay ayaa ka qeyb galay xaflada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In