Hay’adda Wacyi-gelinta Bulshada Soomaaliyeed “Center For Community Awareness ( CCA )” oo ka mid ah Hay’adaha ka shaqeeya Wacyi-gelinta Bulshada iyo Adkeynta Nabadda ayaa waxay Degmadda Shibis ku qabatay Barnaamij ballaaran oo Bulshada looga wacyi-gelinayo Ilaalinta Dhaqanka Tolmoon ee Ummadda Soomaaliyeed iyo sidii Dhallinyarrada loogu wacyi-gelin lahaa inay ku hirtaan Dhaqankaasi faca weyn.
Munaasbadaasi oo si heer sare loo soo agaasimay waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiyaha cusub ee Maamulka Gobalka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), qaar ka mid ah Guddoomiyayaaasha Degmooyinka Gobalka Banaadir, Siyaasiyiin, Saraakiisha Ammaanka Gobalka Banaadir, Ururka Haweenka Gobalka, Waxgarad, Odayaal, Dhallinyarro, Fannaaniinta Hoballadda Waaberi, Barbaarta Gaashaaman iyo dadweyne fara badan oo ka kala yimid waaxyaha ay ka kooban tahay Degmadda Shibis iyo Kooxda Ciyaartoyda Dhaqanka ee Shibis.
Guddoomiyaha Degmadda Shibis, Axmed Muumin Maxamed ayaa Hay’adda Wacyi-gelinta Bulshada Soomaaliyeed ee CCA uga mahadceliyey Barnaamijka Wacyi-gelinta ee ay u qabteen Bulshada ku nool Degmadda Shibis, isagoo sheegay inay Bulshadda ka faa’ideysteen waxyaabihii lagu soo bandhigay Madasha Degmada.
Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobalka Banaadir, Jawaahir Baarqab iyo Xuseen Saalim oo ka mid ah Waxgaradka ku nool Degmadda Shibis oo ka hadlay Kulankaasi ayaa ugu baaqay Dhallinyarada Soomaaliyeed inay u midoobaan Ilaalinta Dhaqanka iyo Nabadda iyo inay ku hirtaan Dhaqanka Soo-jireenka ee Ummadda Soomaaliyeed.
Agaasimaha Xafiiska Hay’adda (CCA) ee magaaladda Muqdisho, Maxamed Cabdi Xasan oo isna ka hadlay munaasabada waxa uu ka warbixiyey dadaalka joogtada ee ay Mas’uuliyiinta Hay’adda CCA ka qaataan Hawlaha loogu adeegayo Qaranka Soomaaliyeed, wuxuuna hoosta ka xariiqay in hadafka guud ee Hay’adda CCA ay tahay Wacyi-gelinta Bulshada, Dhowrista Dhaqanka, Waddaniyadda, Adkeynta Nabadda iyo in Dhallinyarradda looga digo Dhaqan-xumida, Xag-jirnimadda iyo inaysan kaalin ka qaadanin Falalka wax u dhimi kara Horumarka Ammaanka iyo Nabadda Bulshadda.
Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ka hadlay xafladda waxa uu aad u ammaanay kaalinta ay Hay’adda CCA uga qeyb qaadato Wacyi-gelinta Bulshada, Soo-nooleynta Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed, Horumarinta Bulshada, Mustaqbalka Dhallinyaradda iyo cayaaraha.
“Barnaamijka Wacyi-gelinta Dhaqanka, waa mid lagu dhiiri-gelinayo Bulshada, gaar ahaan Dhallinyaradda inay ku bartaan Dhaqanka Soomaalida, Waddaniyadda iyo Nabadda” ayuu yiri Guddoomiyaha oo hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in la joogteeyo Barnaamijyada lagu xoojinayo Dhaqanka Soo-jireenka ee Ummadda iyo in Dhallinyaradda laga wacyi-geliyo inaysan ku biirin Kooxda Alshabaab.
Xildhibaan Ibraahim Saalax Deyfullah oo ka tirsan Mudanayaasha Barlamaanka Soomaaliyeed ayaa sheegay inuu qirsan yahay inay Madaxda Hey’adda CCA mas’uuliyad adag u hayaan bulshadda Soomaaliyeed, hadday noqon lahayd Waceygelinta, Soo -nooleynta Dhaqanka, Adkaynta Ammaanka iyo Horumarinta Isboortiga.
Bishii October ee la soo dhaafay, waxay Madaxda Hay’adda CCA soo qabanqaabisay Shirweyne looga hadlay Wada-shaqeynta Hay’addaha Ammaanka iyo Dadweynaha, iyadoo ay Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federalka meel-marisay Shirkaasi oo lagu qabtay Muqdisho.