Wednesday, September 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir ku saabsan waxyaabaha ka dhaqan galay New deal oo la qabtay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Shir ku saabsan waxyaabaha ka dhaqan galay New deal oo la qabtay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkaan oo looga hadlayey waxyabhii ka qabsoomay barmanijka new Deal iyo caqabaha ka horyimid ayaa maanta lagu qabtay magalada Muqdisho, waxaana ka qayb galay Ra’isalwasaare ku-xigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carte Wasiirro ka tirsan Xukumadda, xubno ka socday maamul gobooleedyada dalka ka jira iyo wakiillo matalayey deeq bixiyasha caalamka.

Shirka oo ah mid bille oo bishiiba mar la qabto ayaa manta lagu meelmariyey mashruuc ah in Bankiga Adduunka uu dowladda Soomaaliya ka gacan siiyo bixinta musharaadka shaqalaha iyo tageeradda kale ee la xariira bixinta Qarashaadka ay dowladda Soomaaliya sameyso.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

September 8, 2026
Taliyaha Guutada 21-aad qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo soo dhaweyn loo sameeyay

Taliyaha Guutada 21-aad qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo soo dhaweyn loo sameeyay

September 8, 2026

Ra’iisulwasaare ku-xigeenka Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte oo shirka kadib la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa tilmaamay in shirka looga hadlay arrimo muhiim ah oo ay ugu horeyso waxyaabaha ka dhaqan galay New Deal.

“Shirka waxa uu ku saabsanaa New dealka, gaar ahaan wada shaqeynta ka dhexeysa dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah, runtii shirka waa mid bile ah, waxaana iska xogwareysanay waxyaabihii qabsoomay” ayuu yiri Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo hadalkiisa ku daray in shirkii maanta lagu meelmariyay mashruuca bixinta qarashaadka dowladda oo horey Norway u bixin jirtay oo iminka lagu badalay bankiga Adduunka.

Dhinaca kale Ra’iisalwaasare ku xigeenka dalka ayaa kulan la yeeshay wakiilo ka socday hay’addaha calamiga ah ee ka howlgala Soomaaliya, kaasi oo looga hadlayey sidii dowladda iyo hay’addahu u yeelan lahayeen wada shaqayn iyo samaynta xeerka dowladu ay kula xisaabtamayso hay’addaha caalamiga iyo kuwa maxaliga ah, si loo hubiyo waxyaabaha ay dalka ka qabtaan.

“Shirkan waxa uu ku saabsanaa, sidii wada shaqeyn loola sameyn lahaa hay’adaha samafalka ee maxaliga iyo kuwa caalamiga ah, waxyaabaha ay qabanayaan ay noqdaan mid muuqda, wada shaqeynta in labada dhinac la sii xoojiyo oo dhanka dowladda iyo hay’adaha samafalka ah, waxaana wadnaa sharci ku saabsna sidii hay’adaha samafalka loogu sameyn lahaa xeendaab ama sharci u howlyareeya waxa ay qabanayaan” ayuu yiri Mudane Maxamed Cumar Care.

1 2 3 4 6 8 9 10 11

Previous Post

Ra’iisul wasaaraha oo si diiran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Next Post

Barnaamij lagu xoojinayo dhaqanka oo lagu qabtay Degmada Shibis “SAWIRRO”

Next Post
Barnaamij lagu xoojinayo dhaqanka oo lagu qabtay Degmada Shibis “SAWIRRO”

Barnaamij lagu xoojinayo dhaqanka oo lagu qabtay Degmada Shibis “SAWIRRO”

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

September 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah ugu...

Taliyaha Guutada 21-aad qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo soo dhaweyn loo sameeyay

Taliyaha Guutada 21-aad qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor oo soo dhaweyn loo sameeyay

September 8, 2026
0

Munaasabad lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweyn diirran loogu sameeyay Taliyaha Guutada 21-aad qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor Gaashaanle...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Wakiilka Hay’adda FAO ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Wakiilka Hay’adda FAO ee Soomaaliya

September 8, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay wehliyaaan Wasiirada Gargaarka iyo Haweenka Koonfur Galbeed, ayaa...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo soo xiray Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta XFS oo soo xiray Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

September 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee maanta soo xiray Shirweynaha Madasha Qaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In