Friday, September 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Tababar kubadda Laliska ah oo lagu soo gabo gabeeyay Muqdisho “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 29, 2015
in Ciyaaraha, Wararka
0
Tababar kubadda Laliska ah oo lagu soo gabo gabeeyay Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Tababar heer Caalami ah oo kubada Lalisla oo ay ka qeyb qaadanayeen 18  macalin oo xirfada macalinimo la barayay  ayaa lagu soo gebagebeeya magaalada Muqdisho, waxaana xaflda xeritaanka kasoo qayb galay mas’uuliyiin ka socotay Guddiga Olombikada Soomaaliyeeed, madaxda xiriirka kubadda Lalaliska, madaxda xririirada kale gedisan iyo marti sharaf kale.

Related posts

Ciidanka Qaranka oo burburiyay maleeshiyaad damacsanaa in ay weeraraan Ceel-dheer

Ciidanka Qaranka oo burburiyay maleeshiyaad damacsanaa in ay weeraraan Ceel-dheer

September 12, 2025
Wasiirka Warfaafinta XFS oo Ruushka kaga qeybgalay shir la xiriiray dhaqanka iyo diblomaasiyadda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Ruushka kaga qeybgalay shir la xiriiray dhaqanka iyo diblomaasiyadda

September 12, 2025

Tababarkan oo mudo12 maalin socday waxaa soo qaban qaabiyay guddiga Olombikada Soomaaliyeed,  waxaana bixiyaynay laba Macalin oo u kala dhashay dalalka Mauritius iyo Ethiopia.

Ugu horeyn waxaa xaflada ka hadlay Guddoomiyaha Xiriirka kubadda LaLiska Cabduqaadir Cumar Abuukar, waxuuna sheegay in ujeedka tababarka loo qabtay ay ka dambayso sidii xiriirka  ku yeelan lahaa Macalimiin wax  soo saar wanaagsan yeesha,wuxuuna macaliinta seminarka ka qaybgalay uu kula dardaarmay in  aqoonta la baray ay si wanaagsan u gubiyeen bahda kubadda La liska waxuuna mahad celin usoo jeediyay  Guddiga Olombikad Soomaaliyeed  oo suura geliyay tababarkan.

Sidoo Kale waxaa goobta ka hadlay Labada Macalin ee tababrka bixinayay  Apaddo oo u dhashay  Muritoius  oo marki labaad tababar ka bixiyay Soomaliya  iyo Alamayu oo Ethiopia u dhashay waxayna  sheegeen in macalimiinta cusub  ay aad uga faa’iidaysteen casharadii  la siiyay iyo tababarki ay garoonka Wiish ku qaaten mudada 12  maalin ah,  waxayna mahad celi n usoo jeediyeen Guddiga Olombikda oo sura geliyay iyo dhamaan mas’uuliyiintii socodsiinta tabbarka ka caawisay.

Ugu dambayn guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee GOS, Cabdullaahi Axmed Tarabi oo xaflada soo xeray ayaa sheegay in tababarkan  uu qayb ka yahay  qorshaha GOS ee horumarinta xiriirada  isboortiga iyo  gobolada dalka si  ay macaliinta wax uga soo saaraan iskuulada degmooyin iyo gobolada

“In la helaa ciyartooy wanaagsan waxay ku xiran tahay  in marka hore la tababaro macalimiin wanaagsan” ayuu Guddoomiye Tarabi yiri.

Guddoomiye Tarabi ayaa macalimiinta u sheegay in ay saaran tahay masuuliyad qaran laga doonayo in ay kasoo dhalaalaan.

Macalinmiinta ka qayb gashay oo ka koobnaa 18 macalin oo isugu jiray wiilal iyo gabdho   kana  yimid maamul goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir  ayaa la guddoonsiiyay shahaadooyinki ay tababarka uga qayb galeen.

_MG_2808 _MG_3684 DSC02489 DSC02513 DSC02528 DSC02555 IMG_1930 IMG_1952 IMG_2268 IMG_3175 IMG_3912 IMG_3962 IMG_3965 IMG_3978 IMG_3983 IMG_4002 IMG_4031 IMG_4059 IMG_4069 IMG_4118 IMG_4124 IMG_4129 IMG_4142 IMG_4150 IMG_4160 IMG_4166 IMG_4172 IMG_4174 IMG_4181 IMG_4184 IMG_4188 IMG_4194

W/D: Xuseen Maxamed Hadaafoow

Waaxda Warfaafinta GOS

Previous Post

Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Wasiirka Difaaca: “Ciidanka X.D.S lug kuma yeelan karaan wax ka baxsan Waajibaadkooda Qaran”

Next Post
Wasiirka difaaca oo booqday degmada Garbahaarreey ee gobolka Gedo-SAWIRRO

Wasiirka Difaaca: “Ciidanka X.D.S lug kuma yeelan karaan wax ka baxsan Waajibaadkooda Qaran”

Ciidanka Qaranka oo burburiyay maleeshiyaad damacsanaa in ay weeraraan Ceel-dheer

Ciidanka Qaranka oo burburiyay maleeshiyaad damacsanaa in ay weeraraan Ceel-dheer

September 12, 2025
0

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Deegaanka ayaa maaanta ka hortagay weerarro ay kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab saakay waaberigii ku...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Ruushka kaga qeybgalay shir la xiriiray dhaqanka iyo diblomaasiyadda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Ruushka kaga qeybgalay shir la xiriiray dhaqanka iyo diblomaasiyadda

September 12, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta,  Dhaqanka Iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaiya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgaley...

Bandhig ku saabsan hal abuurka dhallinyarada oo lagu qabtay Muqdisho

Bandhig ku saabsan hal abuurka dhallinyarada oo lagu qabtay Muqdisho

September 12, 2025
0

Maamulka Wasaaradda Beeraha XFS ayaa Magaalada Muqdisho ku qabatay munaasabad lagu soo bandhigaayey hal abuurka dhallinyarada  ee dhinaca wax soo...

Madaxweynaha Waqooyi Bari oo qaabilay Guddoomiyaha SoDMA iyo Wafdi uu hoggaaminayo

Madaxweynaha Waqooyi Bari oo qaabilay Guddoomiyaha SoDMA iyo Wafdi uu hoggaaminayo

September 11, 2025
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye, ayaa caawa xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In