Sunday, October 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda Culimada oo markale ku baaqday in la joojiyo colaadda Gaalkacyo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
DAAWO: Wasaaradda Arrimaha gudaha oo ku baaqday joojinta colaadda gobolka Hiiraan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adda Culimada Soomaaliya ayaa markale ku baaqday in si degdeg ah maamulada Galmudg iyo Puntland ay xal uga gaaraan dagaaladii ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiyaha hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh bashiir Axmed Salaad oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa tilmaamay inay tahay wax aad looga xumaado in dad walaalo ah oo hal magaalo wada degan inay ku dagaalamaan waxa aysan garaneyn, waxaana uu xusay in dagaalada nuucaani oo kale ay ka dhalan karto cawaaqib xumo, maadaama dadku ay yihiin dad xigto ah.

Related posts

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Oo Horumarin Ku Sameysay Hannaanka Soo-Saarista Baasaboor Soomaaliga

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Oo Horumarin Ku Sameysay Hannaanka Soo-Saarista Baasaboor Soomaaliga

October 12, 2025
Guddoonka Labada Aqal Oo Sameeyay Magacaabista Guddi Muhiim Ah

Guddoonka Labada Aqal Oo Sameeyay Magacaabista Guddi Muhiim Ah

October 12, 2025

Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa xusay in dagaalada ay sababeen in ay ku barakacaan dad maato ah oo xilligan ku dhibateysan meelo ka baxsan magaalada, waxaana uu Madaxda Puntland iyo Galmudug ugu baaqay in wax waliba lagu dhameeyo wada hadal isla markaana ay u hogaansamaan baaqyada uga imaaneysa bulshada qeybaheeda kala duwan.

“Waxaan madaxda Galmudug iyo Puntland ugu baaqeynaa inay si deg deg ah xal uga gaaraan colaadda Gaalkacyo, runtii qax baa dhacay, noloshii way istaagtay, marka waxaan soo jeedineynaa in wixii la isku qilaafsanyahay dib loo dhigo oo la raadi waddo kale oo xal lagu gaari karo, ayna u hogaan samaan baaqyada nabadeed ee ka imaaneysa qeybaha bulshada” ayuu yiri Sheekh Bashiir.

 

 

 

Previous Post

Wasiirka Difaaca: “Ciidanka X.D.S lug kuma yeelan karaan wax ka baxsan Waajibaadkooda Qaran”

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Oo Horumarin Ku Sameysay Hannaanka Soo-Saarista Baasaboor Soomaaliga

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Oo Horumarin Ku Sameysay Hannaanka Soo-Saarista Baasaboor Soomaaliga

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (ICA Somalia) ayaa sheegtay inay horumar weyn ka samaysay geedi socodka soo saarista baasaboorka Soomaaliga...

Guddoonka Labada Aqal Oo Sameeyay Magacaabista Guddi Muhiim Ah

Guddoonka Labada Aqal Oo Sameeyay Magacaabista Guddi Muhiim Ah

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay guddiga soo xulista Xildhibaanadda Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka...

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Howlaha Guud,...

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa soo dhoweeyay heshiiska nabadda ee Gaza, waxayna ammaaneen dadaallada gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In