Wednesday, April 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda Culimada oo markale ku baaqday in la joojiyo colaadda Gaalkacyo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
DAAWO: Wasaaradda Arrimaha gudaha oo ku baaqday joojinta colaadda gobolka Hiiraan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adda Culimada Soomaaliya ayaa markale ku baaqday in si degdeg ah maamulada Galmudg iyo Puntland ay xal uga gaaraan dagaaladii ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiyaha hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh bashiir Axmed Salaad oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa tilmaamay inay tahay wax aad looga xumaado in dad walaalo ah oo hal magaalo wada degan inay ku dagaalamaan waxa aysan garaneyn, waxaana uu xusay in dagaalada nuucaani oo kale ay ka dhalan karto cawaaqib xumo, maadaama dadku ay yihiin dad xigto ah.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Hoygiisa ku qaabilay qaar ka mid ah Isimada Puntland

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Hoygiisa ku qaabilay qaar ka mid ah Isimada Puntland

April 15, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

April 14, 2026

Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa xusay in dagaalada ay sababeen in ay ku barakacaan dad maato ah oo xilligan ku dhibateysan meelo ka baxsan magaalada, waxaana uu Madaxda Puntland iyo Galmudug ugu baaqay in wax waliba lagu dhameeyo wada hadal isla markaana ay u hogaansamaan baaqyada uga imaaneysa bulshada qeybaheeda kala duwan.

“Waxaan madaxda Galmudug iyo Puntland ugu baaqeynaa inay si deg deg ah xal uga gaaraan colaadda Gaalkacyo, runtii qax baa dhacay, noloshii way istaagtay, marka waxaan soo jeedineynaa in wixii la isku qilaafsanyahay dib loo dhigo oo la raadi waddo kale oo xal lagu gaari karo, ayna u hogaan samaan baaqyada nabadeed ee ka imaaneysa qeybaha bulshada” ayuu yiri Sheekh Bashiir.

 

 

 

Previous Post

Wasiirka Difaaca: “Ciidanka X.D.S lug kuma yeelan karaan wax ka baxsan Waajibaadkooda Qaran”

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Hoygiisa ku qaabilay qaar ka mid ah Isimada Puntland

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Hoygiisa ku qaabilay qaar ka mid ah Isimada Puntland

April 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa hoygiisa ku qaabilay, kulan casho ahna kula qaatay qaar ka mid ah...

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

April 14, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay sii-hayaha Wakiilka Xoghayaha Guud...

Madaxweynaha  Azerbaijan oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

Madaxweynaha Azerbaijan oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

April 14, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Azerbaijan, Mudane Cabdinuur Daahir Fiidow, ayaa si rasmi ah waraaqihiisa aqoonsiga safiirnimo ugu gudbiyay...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska oo si rasmi ah u gudbisay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta

Wasiirka Wasaaradda Qoyska oo si rasmi ah u gudbisay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta

April 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi ayaa maanta si rasmi ah u gudbisay nuqulka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In