Allaha u naxariistee Wariye Hiniya Xaaji Maxamed oo ka mid eheyd shaqaalaha Warbaahinta Dowladda oo shalay ugu geeriyootay dhaawac ka soo gaaray gaarigeeda oo loogu soo xiray waxyaaba Qarxa ayaa maanta lagu aasay magaalada Muqdisho, iyadoo aaskeeda ay ka qeyb galeen bahda warfaafinta, qeybaha kale duwan ee bulshada, ku noo magaalada Muqdisho Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta,Wasiiru Dowlaha Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, iyo mas’uuliyiin kale.
Marxuumad Hindiyo Xaaji oo geerideeda si weyn ay uga naxeen Shaqaaha Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu aasay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, waxaana dadkii ka qeyb galay aaskaasi laga dareemayay murugada iyo xanuunka ay ku reebtay geeridani naxdinta leh waxaana si isku mid ah ay uga codsadeen Dowladda in baaris dhab ay ku sameeyaan falkani sida naxariis darada ah loogu dilay Allaha u naxariistee Walaasheen Hindiya.
Dhamaan Dadkii aaskaasi ka qeybgalay ayaa sidoo kale dowladda ugu baaqay in ay la socotaa caruurta ay ka geeriyooday Hindiya Xaaji oo u dhimatay iyadoo Qaranka u shaqeyneysa, Aabahood oo ahaa Madaxii Wararka SNTV isna uu u geeriyooday isagoo ku howlan u shaqeynta dadka iyo dalka.
Allah ha u Naxariistee Hindiyo Xaaji ayaa Saygeedii Liibaan Cali Nuur waxaa uu ka mid ahaa Tiro Suxuufiyiin ah oo lagu dilay Weerar ka dhacay Baar lagu Magacaabo The Vilege oo ka soo horjeeda Guriga Hooyooyinka sanadkii 2012.