Saturday, April 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Shiinaha oo kulan taariikhi ah ku yeeshay magaalada Johannesburg “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Shiinaha oo kulan taariikhi ah ku yeeshay magaalada Johannesburg “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, ayaa maanta kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Johannesburg.

Kulankan taariikhiga ah ayaa labada hoggaamiye waxay kaga wadahadleen xoojinta xiriirka labada dal, iyo in si buuxda loo soo celiyo mashaariicdii horumarinta iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee Shiinaha uu ka wadey Soomaaliya.

Related posts

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 24th April, 2026

April 24, 2026
Safiirka Soomaaliya ee dalka Nigeria oo si rasmi ah waraaqadaha safiirnimo looga aqbalay.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Nigeria oo si rasmi ah waraaqadaha safiirnimo looga aqbalay.

April 24, 2026

Madaxaweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhiggiisa Shiinaha uga warramay xaaladda Soomaaliya ee dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

“Soomaaliya si xawli ay yay uga soo kabaneysaa dhibaatooyinkii dagaalka sokeeye. Waxaan haatan u gudubnay marxalad cusub oo ah dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha iyo maalgashiga. Waxaan doonayaa in Shiinaha iyo Soomaaliya ay dib u soo ceshtaan iskaashigooda taariikhiga ah, maalgashiga aan Soomaaliya u dooneynana ay Shiinaha qeyb ka noqdaan. Waxaan kuu xaqiijinayaa in dowladda Soomaaliya ay si buuxda u soo dhoweyneyso maalgashiga Shiinaha, inagoo diyaar u ah inaan dhinacyo badan iska kaashano’’, ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo horumarka muuqda ee Soomaaliya ee dhinaca nabadgelyada iyo dowlad dhisidda, waxaana uu sheegay in Shiinaha iyo Soomaaliya uu ka dhexeeyo xiriir qota dheer, lana joogo waqtigii la sii xoojin lahaa.

Hoggaamiyaha Shiinaha waxaa uu intaa ku darey in khubarro ay u soo diri doonaan Soomaaliya si ay daraasad ugu sameeyaan barnaamijyada ay labada dal iska kaashan karaan.

Kulankaasi waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka socotey labada dal.

1 2 3

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Xukuumadda oo ku baaqday in la tixgeliyo heshiiskii Gaalkacyo

Next Post

Xukuumadda oo ku baaqday in la tixgeliyo heshiiskii Gaalkacyo

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 24th April, 2026

April 24, 2026
0

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 24th April, 2026 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka dib ugu...

Safiirka Soomaaliya ee dalka Nigeria oo si rasmi ah waraaqadaha safiirnimo looga aqbalay.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Nigeria oo si rasmi ah waraaqadaha safiirnimo looga aqbalay.

April 24, 2026
0

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Nigeria, Mudane Mohamed Osman Mohamed, ayaa si rasmi ah waraaqaha aqoonsiga...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tagay gobolka Bakool

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tagay gobolka Bakool

April 24, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa booqasho ku tagay degmada Xudur ee Gobolka Bakool, Wafdiga ayaa waxaa...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay Mashruuca xoojinta adkeysiga magaalooyinka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay Mashruuca xoojinta adkeysiga magaalooyinka

April 23, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Mashruuca xoojinta adkeysiga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In