Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan horumarinta dowlad-dhiska, xoojinta dib-u-heshiisiinta bulshada, adkeynta nabadda iyo xasilloonida.
Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa bogaadiyey dadaalka iyo doorka ay qeybaha kala duwan ee bulshadu ka qaadanayaan nabadeynta, wadajirka iyo horumarka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana kulanka ka qeyb galay Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.










