RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod.
Sidoo kale, Cabdulqaadir Axmed Cali iyo Mursal Cabdi Aadan ayaa loo doortay Guddoomiye Ku-xigeennada Koowaad iyo Labaad, iyagoo min 87 cod helay.











