Wasiirka wasaaradda caafimaadka, Xaawo Xassan Maxamed ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay diyaarisay mashruuc dadka Soomaaliyedee aragga laโ indhaha loogu fiiqiyo.
Wareysi ay siisay Radio Muqdisho ayay ku sheegtay in wasaaraddu ay diyaarisay dhaqaatiir si bilaash ah dadka indhaha ugu fiiqaya, taas oo ay dadku ka wada faaโiideysan karaan.
โQof walba oo u baahan indhaha in loo fiiqo ha yimaado wasaaradda caafimaadka, waxaan siinayaa warqad waxaana u direynaa meeshii loogu fiiqi lahaaโ ayay tiri.
Wasiirka ayaa sheegay in mashruucaan uu sii socon doono, oo looga faaโiideyn doono dadka Soomaaliyeed ee aragga laโ, si gaar ah waxaa mahsruucaan uga faaโiideysan kara dadka waayeelka ah.
โHaddii qof aan noo imaan Karin uu jiro, noo soo sheega waxaan ugu tagaynaa goobtiisa oo aan ugu fiiqeynaa indhahaโ ayay sii raacisay.
Waa markii ugu horreysay oo dowladdu hirgeliso mashruuc indho fiiqis oo lacag laโaan ah, kaas oo si joogto ah u socon doona.