Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa degmada Waaberi ee gobolka Banaadir kula kulmay Safiiraka boqortooyada Ingiriiska u fadhida Soomaaliya Harriet Mathews oo ay ka wada hadleen arrimo badan.
Guddoomiye Yuusuf Xuseen iyo Danjire Harriet Mathews ayaa waxa ay diirada ku saareen kulankooda sidii loo xoojin lahaa barnaamijka dariseenta oo Maamulka Gobolka banaadir ka wada magaalada Muqdisho, iyadoo degmada Waabari aya ahayd degmadii ugu horeysay ee laga hirgaliyo.
Safiiraka boqortooyada Ingiriiska u fadhida Soomaaliya Danjire Harriet Mathews ayaa sheegtay in ay ka goโantahay in la horumariyo ย darisseenta, taas oo keeni karta ay bulshada ay ka wada qeyb qaataan horumarka caasimadda iyo nabadgelyada.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho ayaa uga mahadceliyay Danjire Harriet Mathews kaalinta ay ka qaadaneyso in magaaladan Nabad lagu soo dabaalo ayna muhiimtahay in ย dhamaan Adduunku ka qeyb qaato Horumarka Dalkaย .