Monday, July 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Arday Soomaaliyeed oo shahaadooyin lagu gudoonsiiyay Johannseburg “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Arday Soomaaliyeed oo shahaadooyin lagu gudoonsiiyay Johannseburg “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xaflad shahaadooyin lagu gudoonsiinayay Ardayda Soomaalida wax ka barata Dugsiyada Hoose dhexe magaalada Johannesburg ee Dalka Koonfur Afrika ayaa lagu qabtay xaafadda Mayfair ay Soomaalida u badantahay, waxaana kasoo qeybgalay Xafladaasi, Waalidiin,g anacsto, Culimo, qaar ka mid ah Ardayda Jaamacadaha iyo Mas’uuliin ka socday Safaaradda Soomaaliyeed ee dalkaasi.

Qaar ka mid ah dadkii kasoo qeybgalay oo u badnaa waalidiin ayaa waano iyo dardaaran siiyay Ardayda dhawaan qalinjibisay, iyagoo ku dhiiragaliyay inay waxbarashadoodi sii wataan kuna dabaqaan tarbiyada iyo Diinta Islaamka.

Related posts

Wasiirka  Qoyska XFS oo guddoomisay Shirka Guddiga Hagista Barnaamijka Haweenka

Wasiirka Qoyska XFS oo guddoomisay Shirka Guddiga Hagista Barnaamijka Haweenka

July 27, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Gaaray Dhuusamareeb

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Gaaray Dhuusamareeb

July 27, 2026

Ardaydii Shahaadooyiinka la gudoonsiiynayay oo qaarkood ka hadlay madasha ayaa sheegay inay farxad u tahay in Shahaadooyin la gudoonsiiyay.

U qeybsanaha Hidaha iyo Tacliinta  sare ee Safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika   Cabdi Xalane Xirsi oo isna ka mid ahaa marti sharaftii lagu casuumay ayaa dhankiisa sheegay in Dhalinyarada waxbaranaya ay yihiin ubixii mustaqbalka, ayna bartaan maadooyiin muhiim ah, waxa kale uu ballanqaaday in sanadaha soo socda luuqadda Soomaaliga noqon doonto luuqadda labaad ee Ardayda Soomaalida maadooyiinka ku qaadan doonaan.

“Aad ayaad u mahadsantihiin insha Allahu tacaala sanadka dambe ama sanadka ka dambeeyo luuqadda labaad oo loogu bixin doonaa Wadankaan oo aad ku bixi doontaan luuqadda Soomaaliga ayay noqon doontaa”ayuu yiri Uqeybsanaha Hiddaha iyo Tacliinta Safaaradda.

Gabagabadii waxaa Ardayda la gudoonsiiyay Shahaadooyin, iyadoo wajiyadooda ka muuqatay farxad.

IMG_0350 IMG_0371 IMG_0377 IMG_0381 IMG_0398 IMG_0399 IMG_0404 IMG_0418 IMG_0427

Cabdiqaadir Axad, Warbaahinta Qaranka Johannseburg.

Previous Post

Baarlamaanka oo ka hadlaya sharciga saxaafadda

Next Post

Xildhibaan Maxamed Qoone oo ku baaqay in la joojiyo colaadda Beladweyne

Next Post
Xildhibaan Maxamed Qoone oo ku baaqay in la joojiyo colaadda Beladweyne

Xildhibaan Maxamed Qoone oo ku baaqay in la joojiyo colaadda Beladweyne

Wasiirka  Qoyska XFS oo guddoomisay Shirka Guddiga Hagista Barnaamijka Haweenka

Wasiirka Qoyska XFS oo guddoomisay Shirka Guddiga Hagista Barnaamijka Haweenka

July 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Danjire Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa guddoomisay kulankii ugu horreeyay...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Gaaray Dhuusamareeb

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Gaaray Dhuusamareeb

July 27, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Gen. Khaalid), ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee...

Agaasimaha Qorshaynta iyo NIS Foundation oo xoojinaya iskaashiga lagu taageerayo hirgelinta NTP 2025–2029

Agaasimaha Qorshaynta iyo NIS Foundation oo xoojinaya iskaashiga lagu taageerayo hirgelinta NTP 2025–2029

July 27, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax (Abdifatah Hared), ayaa kulan la yeeshay wafdi...

Hoggaamiyaha KGS oo soo xiray Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed Soomaaliya

Masuuliyiin ka tirsan DFS oo ka qeyb galay munaasabad lagu xusay sannad-guurada 5-aad ee Ololaha Nadaafadda Xeebaha

July 27, 2026
0

Muqdisho — Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu qabtay magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In