Saturday, March 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: “Dagaalka Beled Weyne waa in degdeg loo joojiyaa, labada dhinac waxaan u sheegayaa in lagula xisaabtami doono falalka ay halkaa ka wadaan’’

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 14 December 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul u cambaareeyay dagaal beeleedka ka socda magaalada Beled Weyne ee gobolka Hiiraan, oo uu ku tilmaamey mid dad shacab ah lagu waxyeeleynayo.

“Dhowr jeer oo hore ayaan u sheegay inaan marnaba la aqbali karin in shacabka dib loogu celiyo dagaal sokeeye oo micno la’aan dhiig loo daadiyo. Waa in degdeg dagaalka loo joojiyaa, qolyaha ku lug lehna ay xisaabta ku darsadaan in lala xisaabtamayo. Cid walba oo dhiigga shacabka daadisa sharciga ayaa la hor keenayaa, mana jiro ruux sharciga ka sarreeya oo la iska eegan doono isagoo dagaal sokeeye hurinaya’’.

Related posts

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 14, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo Qaadaysa Tallaabo Muhiim ah oo ay Kaga Mid Noqonayso Silsiladaha Caalamiga ah ee Macdanta Muhiimka ah

March 13, 2026

Madaxweynaha ayaa farey ciidammada dowladda iyo maamulka gobolka Hiiraan oo kaashanaya qeybaha kala duwan ee bulshada inay degdeg colaaddaasi u joojiyaan, khilaaf kasta oo jirana wadahadal lagu dhammeeyo.

Waxaa uu ugu dambeyn Madaxweynaha shacabka gobolka Hiiraan ugu baaqey inay nabadda ka shaqeeyaan, degaannadoodana u diyaariyaan dhismaha maamulka cusub ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, si loo dedejiyo barnaamijka baahinta xukunka iyo adeegyada aasaasiga ee bulshada.

 

Previous Post

Madaxweynaha: “Deg-deg ha loo joojiyo dagaallada soo noqnoqday ee gobolka Shabeellaha Hoose’’

Next Post

Madaxweynaha iyo RW Oo Amray in Degdeg Loo Joojiyo Dagaallada Beelaha ee Socda

Next Post
Madaxweynaha: ‘’Soomaaliya waxay waysey mid ka mid ah tiirarkii aasaaska u ahaa diblomaasiyadda’’

Madaxweynaha iyo RW Oo Amray in Degdeg Loo Joojiyo Dagaallada Beelaha ee Socda

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 14, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo Qaadaysa Tallaabo Muhiim ah oo ay Kaga Mid Noqonayso Silsiladaha Caalamiga ah ee Macdanta Muhiimka ah

March 13, 2026
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyada oo loo marayo Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta, ayaa saxiixday Heshiis Is-afgarad (MoU) oo ku saabsan...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo khadka telefonka kula hadlay dhiggiisa Dalka Qatar

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo khadka telefonka kula hadlay dhiggiisa Dalka Qatar

March 13, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa khadka taleefanka kula hadlay Ku-xigeenka Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka...

Wasiirka Xuquuqul Insaanka XFS oo Geneva ku guddoomisay kulan looga hadlayay Horumarinta Xuquuqda Aadanaha

Wasiirka Xuquuqul Insaanka XFS oo Geneva ku guddoomisay kulan looga hadlayay Horumarinta Xuquuqda Aadanaha

March 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In