Tuesday, April 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Wasiirrada Galmudug oo isku raacay dhaqan-galinta qodobadii lagula dagaalamayay Isbaarooyinka “Dhageyso+Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Golaha Wasiirrada Galmudug oo isku raacay dhaqan-galinta qodobadii lagula dagaalamayay Isbaarooyinka “Dhageyso+Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xarunta Madaxtooyada magaalada Cadaado waxaa maanta ka dhacay shirkii caadiga ahaa ee Khamiis walba yeelan jireen Golaha Wasiirada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug waxaana shirka maanta shir guddoominayay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Mudane Maxamed Xaashi Cabdi.

Shirkaan oo saaacado qaatay ayaa markuu soo dhamaaday waxaa Saxaafada ugu warbixiyay Wasiiru Dowlaha Arimaha Gudaha Iyo Howlada Hoose Cumar Maxamed Diiriye Cumar Guureeye waxuuna sheegay inay ugu horeyn Wasiirad walba ay ka hadashay Waxbqadkii ugu dambeeyay ee sameysay iyo talaabooyinka ay qaadeen Wasiirada Wasaaradaasi oo laga dhageystay, kadibna waxuu sheegay inay Golaha Wasiirada galeen Dood dheer oo looga doodayay dhinacyada Amniga, Cadaalada iyo Dhaqaalaha Galmudug.

Related posts

Dowladaha Soomaaliya iyo Netherlands oo Xoojinaya Iskaashigooda Istiraatiijiga ah.

Dowladaha Soomaaliya iyo Netherlands oo Xoojinaya Iskaashigooda Istiraatiijiga ah.

April 20, 2026
Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

April 20, 2026

Dood iyo Falanqeyn dheer kadib waxuu sheegay inay Golaha Wasiirada isku raaceen in la dhaqan-galiyo qodobo 11-11-2015 shir Golaha Wasiirada ku yeesheen Madaxtooyada Gaalkacyo oo ku saabsanaa dhinaca amniga oo kala ahaa

1.      In guud ahaan deegaanada Galmudug ay mamnuuc ka tahay Isbaaro ama Jidgooyo la dhigto.

2.      In Isbaaradii ama Jidgooyadii deegaanada Galmudug meel kamid ah lagu arko ay ciidamada dowlada Galmudug amar ku qabaan inay la dagaalamaan maleeshiyada dhigata.

3.      In khasaaraha Naf iyo Maal ee ku yimaada Maleeshiyada Isbaarada dhigata inaan masuul ka aheyn dowlada Galmudug.

4.      In Hubka Iyo Gaadiidka lagu qabsado Isbaarooyinkaasi ay la wareegayso dowlada Galmudug.

Ugu dambeyntii Wasiir Cumar Maxamed Diiriye Cumar waxuu sheegay inay talaabooyinkaasi lagu qaadayo Isbaarooyinka sida ugu dhaqsiyaha badan ay u galayaan ciidamada dowlada Galmudug loona qaadayo Isbaarooyinka.

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2015/12/CODKA-WASIIRU-DOWLAHA-ARIMAHA-GUDAHA-IYO-HOWLADA-HOOSE-CUMAR-MAXAMED-DIIRIYE-CUMAR-GUUREEYE.mp3

2 3 4 5 6 9180b880-a82e-4f54-a6e9-4b75954e5b79

Previous Post

Madaxweynaha iyo Wakiilka Midowga Afrika oo ka wadahadley xoojinta iyo tayeynta wadashaqeynta AMISOM iyo Soomaaliya+Sawirro

Next Post

Kulan su’aalo lagu weydiinayay wasiirka Dhallinyarada oo lagu qabtay Muqdisho “Sawirro”

Next Post
Kulan su’aalo lagu weydiinayay wasiirka Dhallinyarada oo lagu qabtay Muqdisho “Sawirro”

Kulan su'aalo lagu weydiinayay wasiirka Dhallinyarada oo lagu qabtay Muqdisho "Sawirro"

Dowladaha Soomaaliya iyo Netherlands oo Xoojinaya Iskaashigooda Istiraatiijiga ah.

Dowladaha Soomaaliya iyo Netherlands oo Xoojinaya Iskaashigooda Istiraatiijiga ah.

April 20, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Maxamed Cali, ayaa xarunta Wasaaradda...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

April 20, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

April 19, 2026
0

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa shir-guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee hoggaanka sare ee Wasaaradda...

Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

April 19, 2026
0

Shirweynihii Midowga Baarlamaanada Adduunka ee ka socday magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga ayaa maanta lasoo gaba gabeeyey, waxaana shirkaasi Soomaaliya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In