Saturday, March 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka XDS oo Shabaab kala wareegay deegaanka Qoryaale dilayna tiro maleeshiyaad ah

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Ciidanka XDS oo howlgallo kula wareegay deegaanno ka tirsan galbeedka gobolka Hiiraan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidanka XDS iyo kuwa AMISOM ayaa si buuxda ula wareegay deegaanka Qoryaale oo dhaca xadka labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyagoo dilay Todobo ka tirsan maleeshiyaadka Shabaab halka Sagaal kalena ay ku dhaawaceen.

Cutubyo ka tirsan ciidanka XDS oo gacan ka helaya kuwa AMISOM ee Jabuuti ayaa saaka u dhaqaaqay saldhig qarsoodi ah oo maleeshiyaadka Shabaab ku lahaayeen deegaanka Qoryaale oo u dhaxeeya degmada Jalalaqsi iyo Ceel baraf, halkaasna waxa ay ciidamadu ku dileen Todobo ka tirsanaa maleeshiyaadka Shabaab, Sagaal kalena way ku dhaawaceen, sida ay Radio Muqdisho u xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Related posts

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 7, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la afuray ciidanka xoogga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la afuray ciidanka xoogga

March 6, 2026

Sidoo kale ciidamada ayaa la xaqiijiyay iney si buuxda ula wareegeen saldhigii ay maleeshiyaadka Shabaab ku lahaayeen deegaanka Qoryaale. Waxeyna halkaasi ka wadaan baaritaano ay ku xaqiijinayaan ammaanka deegaankaasi.

Intii uu socday howlgalkaasi ayeey ciidamadu gacanta ku dhigeen hub iyo saanad ciidan oo ay dadka ku dhibaateeyn jireen maleeshiyaadki Shabaab ee halkaasi laga ceeyriyay.

Ciidamada ayaa weli ku sii raad jooga firxadka maleeshiyaadki Shabaab ee ka cararay deegaanka Qoryaale, iyadoo la sheegay in howlgalkani ay gacan ka geeysteen dadka deegaankaasi oo u dul qaadan waayay dhibaatooyinka xad dhaafka ah oo maleeshiyaadkaasi ku hayeen.

Deegaanka Qoryaale ee lagala wareegay Shabaab ayaa dhaca xuduudda ay wadaagaan gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Previous Post

Madaxweynaha oo hambalyo u diray ciidanka booliska meelkasta oo ay joogaan

Next Post

Dhageyso warka duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka duhur ee Radio Muqdisho

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga Saddexaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 7, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la afuray ciidanka xoogga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la afuray ciidanka xoogga

March 6, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta la afuray cutubyo ka tirsan  Ciidanka Xoogga Dalka, isaga oo ku...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Jeneraal Maxamed Cali Abokor

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Jeneraal Maxamed Cali Abokor

March 6, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh ka diray geerida, Alle ha u naxariistee, Janaraal...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Afur Sharafeed degmada Xamarweyne ugu qabatay Bulshada Banaadiriga

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Afur Sharafeed degmada Xamarweyne ugu qabatay Bulshada Banaadiriga

March 6, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Muqdisho Afur Sharafeed ugu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In