Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ku baaqay in la dhiso xaruntii agoonta booliska

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Soo Saaray Go’aan Ku Saabsan Maareynta Wadahadal gelinta Mooshinka Madaxweynaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo caawa ka qeyb galay munaasabadda lagu weynayay sanadguurada 72aad ee ka soo wareegtay aas aaska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa ku baaqay in la dhiso xaruntii agoonta booliska.

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay, isla markaana ay ka qeyb galeen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, saraakiisha ciidanka booliska, mas’uuliyiin ka socday maamul goboleedyada dalka ka jira iyo marti sharaf kale ayaa caawa lagu qabtay dugsiga sare tababbarka ciidanka booliska Jeneraal kaahiye ee magaalada Muqdisho

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Madasha ay xafladda ka socotay waxaa kaalimo suugaaneed oo u badan waxqabadka ciidanka booliska ku soo bandhigay fanaaniinta kooxda Heegan ee ciidanka booliska iyo fanaaniin kale oo ka socotay Dowladgoboleedyada Jubbaland iyo Galmudug.

Taliyaha ciidanka booliska Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo munaasabadda hadal kooban ka jeediyay ayaa ka sheekeeyay waxyaabaha u qabsoomay sanadkan ciidanka booliska, waxaana

Wasiirka amniga gudaha Mudane Cabdiraaq Cumar Maxamed ayaa sheegay inay wadaan dadaallo ku aadan in la mideeyo ciidanka booliska ee heer maamul goboleed iyo heer Federaal, si ay u noqdaan kuwa ka wada qeyb qaata sugidda amniga dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali sharma’arke oo isna ka hadlay xafladda ayaa sheegay in Xukuumadda ay diyaarisaneyso siyaasad Qaran oo ku saabsan amniga dalka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo soo xiray munaasabaddii lagu xusayay 72 guuradii ka soo wareegtay aas aaska ciidanka booliska ayaa ka dalbaday Xukuumadda in si deg deg ah u dhisaan xaruntii lagu xanaaneyn jiray agoonta booliska, si sare loogu qaado moraalka ciidanka hada shaqeynaya ee booliska, isagoo ciidanka booliska u rajeeyay in sanadkan kiisa kale ay ku gaaraan horumar iyo baraare.

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In