Thursday, October 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ku baaqay in la dhiso xaruntii agoonta booliska

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Soo Saaray Go’aan Ku Saabsan Maareynta Wadahadal gelinta Mooshinka Madaxweynaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo caawa ka qeyb galay munaasabadda lagu weynayay sanadguurada 72aad ee ka soo wareegtay aas aaska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa ku baaqay in la dhiso xaruntii agoonta booliska.

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay, isla markaana ay ka qeyb galeen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, saraakiisha ciidanka booliska, mas’uuliyiin ka socday maamul goboleedyada dalka ka jira iyo marti sharaf kale ayaa caawa lagu qabtay dugsiga sare tababbarka ciidanka booliska Jeneraal kaahiye ee magaalada Muqdisho

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026

Madasha ay xafladda ka socotay waxaa kaalimo suugaaneed oo u badan waxqabadka ciidanka booliska ku soo bandhigay fanaaniinta kooxda Heegan ee ciidanka booliska iyo fanaaniin kale oo ka socotay Dowladgoboleedyada Jubbaland iyo Galmudug.

Taliyaha ciidanka booliska Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo munaasabadda hadal kooban ka jeediyay ayaa ka sheekeeyay waxyaabaha u qabsoomay sanadkan ciidanka booliska, waxaana

Wasiirka amniga gudaha Mudane Cabdiraaq Cumar Maxamed ayaa sheegay inay wadaan dadaallo ku aadan in la mideeyo ciidanka booliska ee heer maamul goboleed iyo heer Federaal, si ay u noqdaan kuwa ka wada qeyb qaata sugidda amniga dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali sharma’arke oo isna ka hadlay xafladda ayaa sheegay in Xukuumadda ay diyaarisaneyso siyaasad Qaran oo ku saabsan amniga dalka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo soo xiray munaasabaddii lagu xusayay 72 guuradii ka soo wareegtay aas aaska ciidanka booliska ayaa ka dalbaday Xukuumadda in si deg deg ah u dhisaan xaruntii lagu xanaaneyn jiray agoonta booliska, si sare loogu qaado moraalka ciidanka hada shaqeynaya ee booliska, isagoo ciidanka booliska u rajeeyay in sanadkan kiisa kale ay ku gaaraan horumar iyo baraare.

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In