Tuesday, July 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamaanka oo mariyay akhrintii sadexaad shrciga ka hortagga lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Kulanka Baarlamaanka oo su’aalo lagu weydiiyay wasiirka Maalliyadda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Barlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta mariyay akhrintii saddexaad sharciga ka hortaga lacag dhaqidda iyo maalgelinta Argagixisada.

Guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo shir guddoominayay kulankii maanta ayaa furitaanka shirka mudanayasha ku wargeliyay in Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka laga hakiyay mushaaraadkii ay lahaayeen sababo shirka baarlamaanka oo aysan soo xaadirin, halka kuwa kale uu guddoomiyaha ku sheegay in ganaax lagu soo rogay ganaax lacageed oo gaaraysa min lix boqol oo doolar.

Related posts

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Mareykanka 

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Mareykanka 

July 14, 2026
Safiirka Soomaaliya ee Hindiya oo tacsi ugu tegay Safaaradda Qatar ee New Delhi

Safiirka Soomaaliya ee Hindiya oo tacsi ugu tegay Safaaradda Qatar ee New Delhi

July 14, 2026

Intaas kadib mudaneyaasha baarlamaanka ayaa warbixin ka dhageysatay guddiga maaliyadda ee baarlamaanka taasi oo ku saabsaneyd milkiyadda dhulka ex-baarlamaan taasi oo uu dhawaan la sheegay in guddoomiyaha gobolka Banaadir uu ku wareejiyay shirkad ganacsi.

Xildhibaan Mahdi Cali Cismaan oo baarlamanka ka hor akhriyay sharcigan ayaa sheegay inaysan jirin wax wareejin rasmi ah oo lagu sameeyay dhulkii Ex-baarlamaan iyo warqad uu guddiga maaliyadda u soo qoray guddoomiyaha gobolka Banaadir, kaasi oo ay ku caddeed in uusan dhulkii Ex-baarlamaan uu ku wareejinin shirkad ganacsi, balse qorshuhu ahaa in halkaasi qashinka laga nadiifiyo.

Guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa shirkadda Universal uga mahadceliyay qashinka ay ka qaaday xaruntii hore ee baarlamaanka, isagoo intaa ku daray in baarlamaanka uu xaruntiisa nadiifsanayo, waxaana uu ka digay in xarumaha baarlamaanku leeyahay lagu deg dego bixintooda.

Dhanka kale Mudanayaasha ayaa guda galay dhageysiga sharciga ka hortaga lacag dhaqidda iyo maalgelinta Argagixisada, kaasi oo uu mudanayaasha u akhriyay Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jabriil oo ka hadlay ahmiyadda uu sharcigan u leeyahay dalka.

Mudanayaasha baarlamaanka ayaa tallooyin ka dhiibtay, iyagoo xoogga saaray baahida deg deg ah ee loo qabo sharcigan iyo wixii u baahan in wax ka badal lagu sameeyo.

Guddoomiyaha Guddiga maaliyadda ee Baarlamaanka Xildhibaan Samaan Maxamed Sheekh Daahir ayaa mudanayasha ka codsaday inay meel mariyaan sharcigan oo aysan dib u dhigin, maadaama uu saameyn ku yeelan karo adeegyada ay xawaaladaha u hayaan bulshada.

Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa beri ka doodi doono halka Soomaaliya ay ku wajahantahay arrimaha la xiriira sanadka 2016-ka, waxaana uu kulankaasi noqonayaa mid Xildhibaanada albaabadu u xiranyihiin oo saxaafaddu ay dibad joog ka tahay.

 

Previous Post

Madaxweynaha iyo wafdi uu hogaaminayo oo lagu soo dhaweeyay Beledweyne

Next Post

Abwaan Cabdi Dhuux oo si diiran loogu soo dhaweyay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Abwaan Cabdi Dhuux oo si diiran loogu soo dhaweyay Muqdisho “SAWIRRO”

Abwaan Cabdi Dhuux oo si diiran loogu soo dhaweyay Muqdisho “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Mareykanka 

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Mareykanka 

July 14, 2026
0

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta (SFF), ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Ururka Kubadda Cagta Bariga iyo Bartamaha Afrika (CECAFA), Mudane Cali...

Safiirka Soomaaliya ee Hindiya oo tacsi ugu tegay Safaaradda Qatar ee New Delhi

Safiirka Soomaaliya ee Hindiya oo tacsi ugu tegay Safaaradda Qatar ee New Delhi

July 14, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Hindiya, Danjire Dr. Cabdullaahi Maxamed Odowa, ayaa maanta booqasho tacsi ah ku tegay Safaaradda...

Wasiirka Qoyska XFS oo kulammo doceedyo la qaadatay madax ka socotay dalalka OIC

Wasiirka Qoyska XFS oo kulammo doceedyo la qaadatay madax ka socotay dalalka OIC

July 14, 2026
0

Islamabad, Pakistan – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa kulammo...

La-Taliyaha Amniga Qaranka oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jaamacadda Carabta 

La-Taliyaha Amniga Qaranka oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jaamacadda Carabta 

July 14, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya | 14 Luulyo 2026: La-Taliyaha Amniga Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Aweys Xaaji Yuusuf, ayaa maanta Xafiiska...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In