Munaasabad Balaaran oo ay soo qaban qaabiyeen culumaaโudiinka Ahlu Sunna Wajamacaa oo lagu weyneynayay 12 bisha Rabiicul Awal oo ah maalintii uu dhashay nabigeena Muxamed NNKH ayaa maanta lagu qabtay masjidu Saxabah oo ku yaalo wadada 12-aad ee xaafada Islii.
Safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya dalkani Kenya Jamaal Maxamed Xasan ayaa culumaaโudiinka Ahlu sunna kala qeyb galay xuska weyneynta dhalashada nabigeema Muxamed NNKH.
Danjire Jamaal ayaa kulan la qaatay culumaaโudiinka dhalinyarada ee Ahlu Sunna waljamaaca,iyagoo safiirka kala hadlay sidii xiriir dhaw oo wada sheqeyn oo u dhax mari lahaa safaarada iyo culumaaโudiinka Ahlu Sunna Wajamaaca.
Culumaaโudiinka dhalinyarada ah ee Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa safiirka u soo jeediyay in masaajid lagu daro dhismaha xarunta safaarada Soomaaliya oo hada dib u dhis lagu wado,iyadoo safiirkana uu ka aqbalay soo jeedintooda.
Culumaaโudiinka dhalinyarada ah ee Ahlu Sunna ayaa safiirka gudoonsiiyay kitaab qurโaan ah oo ku turjuman afka English-ka.
Danjire Jamaal Maxamed Xasan ayaa sidoo la kulmay imaamka masjidka Saxaabah Shariif C/laahi Shariif Xasan iyo qaar ka mid ah culumaaโudiinka Ahlu Sunna.
Imaamka Masjidka Saxabah Shariif C/laahi Shariif Xasan ayaa safiirka uga mahad celiyay sida uu uga soo qeyb galay weyneyntay dhalashadii Nabigeena Muxamed NNKH.
Culumaaโudiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa xarunta masjidka ka jeediyay muxaadaroyin ku aadan muhiimada ay leedahay in la weyneynyo oo la xasuusto maalintii uu dhashay nabigeena Muxamed NNKH,iyagoo kasheekeyay siiradii nabigeena NNKH.
Danjiraha dowlada Soomaaliya u fadhiya dalkani Kenya Jamaal Maxamed Xasan ayaa munaasabada ka sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in uu culumaaโudiinka Ahlu Sunna kala soo qeyb galo xuska iyo weyneynta dhalashada nabigeena Muxamed NNKH.
Danjiraha ayaa culumaaโudiinka Ahlu Sunna waljaamaca ugu baaqay in ay mar kasta wanaaga ka shaqeeyaan,ummada soomaaliyeedna faraan wanaaga,xumaantana ka reebaan.
Culumaaโudiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa sanadka kasta 12 bisha Rabiicul Awal oo ah maalintii uu dhashay nabigeena Muxamed NNKH ku qabtay caalamka munaasabado ay ku weyneynayaan maalintaasi.
Sawir qaade:- Hassan Omar Baffo