Waxa magaalda Muqdishio gaar ahaan garoonka Wiish ka furmay horyaalka kubadda kolega 2015-16, waxaana xafalada furitaanka ka ย qayb galay mas’uuliyiin ka socotay Guddiga Olombiakada qar ka mid ah xirirada, madaxada xiririka kubada kolegya iyo marti sharaf kale.
Ugu horeeyn waxaa halkaasi ka hadlay ku simaha xoghayaha Xiriirka kubada koleygaย Cabdi Cabdulle Baasaale waxuuna tilmamay in ay horyaalka sanadkan ay ka qayb galayaan 10 koox , halkii ay horey u ahaan jireen sideed koox isla markana ay kooxuhu diyaar usoo galeen tartankaย ย ayna ka rajeynayaa inย cayaaro wanasgan ay soo bandhigaan.
Guddoomiyaha xiriirka kubada Koleyga Cabdullaahi Nuur Maxmaed Caddaani ooย xaflada ka hadlay ayaa sheegay in sanadkanย ย garsoori doonaan horyaalka garsoorayaal aqoontoda sare loo qaaday oo lix kaย mid ah ay ku guulaysteenย shahaada heerka soon ah ย wuxuuna intaasi ku daray in laga rajeynayo inย ay soobadnhigaan habgarsoor wanaagsan oo cadaalad ah.
Guddoomiye Cadaani ayaaย intaa kudaray ย ย inย xiriirka horyaalkan ka xulan doono cayaartoydii matali lahayd ย qayabaha kale gedisan ee xulka qaranka, basle aananย la xuli doonin cayaartooyย aqlaaqadiisa aysan wanaaagsanayn si kasta uu u cayaar wanaagsan yahay, waxuunaย maamulka , kooxaha , cayaartoyda iyo taaageerayasha ka codsaday in laga wada shaqeeyo sidii uu tartanka ku wanaagsananaan lahaa.
Ugu dambayn waxaaย goobta kaย hadlay ย oo tartankaย ย furay ย Madaxa Amuuraha Gobolada Gos, Ibraahim Xuseen Cali Roombeย ย waxuuna sheegay in xiriirka kubadda Koleyga uu horumar ku talaabsanayo si gaar ah ay u farxad gelinayso tirada kooxaha heerka koowaad oo sare loo qaaday taasna ay tartanka ka dhigayso mid xiiso leh.
Kulanki furitaanka horyaalkaย ย oo lagu daah furayย kooxda Heegan oo horyaalka difacaysaย iyo Gaadiidkaย oo sanadkan ku cusub horyaalka waxayna 66-27 guusha ku raacday Wiilashaย Heegan.
Goolkii ugu horeeyay Horyaalka Waxaa dhaliyay Cali Bile oo No 15 u qaata ย kooxda Heegan ,halka Cusmaan Cali Guuleed oo No 4 u qaata Heegan uu dhaliyay goolashii ugu badnaa ย kulanka ย 13 .