Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta bahda warfaafinta Shir jaraaโid ugu qabtay Xafiiskiisa ayaa ka hadlay Sharciga Cusub ee Saxaafadda oo dhawaan Baarlamanka Soomaaliya uu Ansixiyay.
โWaxaan u mahadcelinayaa ย Baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan Guddiga Warfaafinta ee Baarlamaankaย oo runtii Xoog badan saaray ย in ay kabaan sharcigii ka soo Gudbay Golaha Wasiirrada iyo Dhammaan intii ka soo shaqeysay diyaarinta sharcigaanโ ayuu yiri Wasiir Maareeye.
Wasiirka Maareeye ayaa soo dhaweyn kaddib ku tilmaamay sharcigaan cusub ee Saxaafadda in uu fursad siindoono wariyayaasha Soomaaliyeed isla markaana uu sahli doono in si fudud ay Awood Ballaaran ugu yeeshaan qabsashada shaqadooda.
โku dhawaad 9 sano ayuu ku wareegayay ย Sharcigaan bahda uu quseeyo Sida Dowladda, Warbaahinta Madaxa bannaan ee Soomaaliyeed, Dhageystayaasha, kulamo Badan iyo wada-tashiyo kaddibna ย ugu Dambayntiine waxa uu maray Sharcigaan in Baarlamaanka uu meelmariyoโ
Sharciga Cusub ee Saxaafadda ย Soomaaliya ayaa ansixintiisii Baarlamaanka kahor waxa uu soo maray Marxalado kala duwan ย oo sababay in dhowr jeer uu dib udhac ku yimaado.
Halkaan ka dhageyso Shirka Jaraa’id ee Wasiirka
Sawir Qaade:- Maxamed Feereysane