Wednesday, June 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Puntland oo dhagax dhigay Dhismaha qaar ka mid ah Wasaaradaha Maamulkaasi”Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Puntland oo dhagax dhigay Dhismaha qaar ka mid ah Wasaaradaha Maamulkaasi”Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta dhagax dhigay dhismaha  Xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland ay ku yeelanayso Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland.

Dhagax dhigga Wasaaradda Maaliyadda Puntland waxaa kasoo qayb galay Wasiiro, Xildhibaano, Agaasimayaal , shirkaddii dhisaysey wasaaradda iyo dadweyne kale oo aad u tira badan, waxaana lagu dhisayaa Wasaaradda hal-kudhiggii Madaxweynaha ee ahaa Puntland Haysku tashato barnaamijkaas oo Puntland si rasmi ah uga taabba galay.

Related posts

Soomaaliya oo khibraddeeda horumarineed ku soo bandhigtay shir uu bangiga Adduunku ku qabtay Washington DC

Soomaaliya oo khibraddeeda horumarineed ku soo bandhigtay shir uu bangiga Adduunku ku qabtay Washington DC

June 9, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo daah-furay dib-u-habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS oo daah-furay dib-u-habeynta Kaydka Radio Muqdisho

June 9, 2026

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku ammaanay Wasiirka  Maaliyadda Maamulka Puntland Cabdulaahi Sheekh Axmed dedaalka dheeraadka ah ee uu  kubixinayo horumarinta iyo tayaynta wasaaradda iyo sidii  loo heli lahaa dhisme caalami ah oo ay yeelato Wasaaradda Maaliyadda Puntland si’ loo dar-dargeliyo koboca dhaqaalaha Puntland.

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa intaasi ka dib dhagax dhigay Dhismaha Xarunta Dhexe ee  Wasaaradda Haweenka iyo horumarinta Qoyska, maadaama ay wasaaraddu kamid tahay wasaaradaha ugu ballaaran Puntland isla markaasina ya muhim tahay in ay hesho dhisme kabedelan kan ay hadda ku shaqayso,

Waxaana kasoo qayb galay dhagax dhigga wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, Wasiiro, Xildhibaano, shirkadii dhisaysey Wasaaradda iyo Masuuliyiin kale.

Madaxweynaha  Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku bogaadiyey Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Murwo Aniisa Cabdul-qaadir Xaaji Muumin dedaalka baaxadda leh ee ay ugu jirto horumarinta iyo tayaynta Wasaaradda, maadaama wasaaraddu ay  ku taxalluqdo arrimaha hooyada iyo dhallaanka iyo dhammaanba arrimaha bulshada taasina ay u baahantahay in il gaara lagu hayo dhismahanina uu waxbadan ka-qabandoono arrimaas oo dhan.

Wasaaradaha Maamulka Puntland ayaa intooda badani  waxay u wada guureen  dhismayaal casri ah taasina waxay markhaati u tahay sida ay Puntland cagaha u saartay dhabbihii horumarka iyo sinnaanta taaso gundhiggeedu yahay isku tashi Maamulka iyo shacabka ah.IMG_9537  IMG_9551 IMG_9561 IMG_9567 IMG_9575 IMG_9579 IMG_9593 IMG_9613 IMG_9642 IMG_9664 IMG_9667 IMG_9675 IMG_9686 IMG_9689 IMG_9696 IMG_9699 IMG_9717 IMG_9740 IMG_9759 IMG_9762 IMG_9780

 

 

 

Previous Post

Madaxweynaha Galmudug oo Kenya Madax kula kulmay” War saxaafadeed”

Next Post

Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Soomaaliya oo khibraddeeda horumarineed ku soo bandhigtay shir uu bangiga Adduunku ku qabtay Washington DC

Soomaaliya oo khibraddeeda horumarineed ku soo bandhigtay shir uu bangiga Adduunku ku qabtay Washington DC

June 9, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Suleyman Sheekh Cumar ayaa magaalada Washington DC uga qayb galay shir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo daah-furay dib-u-habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS oo daah-furay dib-u-habeynta Kaydka Radio Muqdisho

June 9, 2026
0

Muqdisho, 09 Juun 2026 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta...

Wasaaradda Dhallinyarada oo war kasoo saartay arrinta Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada oo war kasoo saartay arrinta Garsoore Cumar Cartan

June 9, 2026
0

Muqdisho, 09 Juun 2026 – Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn uga xun tahay duruufihii...

Muqdisho oo lagu qabanayo Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

Muqdisho oo lagu qabanayo Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

June 8, 2026
0

Magaalada Muqdisho oo ka furmaya Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya, oo ah kulan heer qaran ah oo muhiim u ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In