Monday, August 4, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo kulan la yeeshay saraakiisha ciidanka qalabka sida

caqiil by caqiil
December 31, 2015
in Wararka
0
Madaxweynaha oo tacsi u diray qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Xildhiban Saadaq Cabdikariim
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeybgalay kulan xarunta wasaaradda difaaca ee Soomaaliya ay ku yeesheen saraakiisha ciidanka qalabka sida ee dalka.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa taliyaha ciidanka xooga dalka, Taliyaha booliiska, Taliyaha hey’adda nabad sugida , Taliyaha ciidanka Asluubta iyo Saraakiil kale  iyadoo kulanka uu yahay mid maalinta kasta oo Khamiis ah lagu qabtay xarunat wasaaradda gaashaadhiga.

Related posts

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka oo ka warbixiyey safaro uu ku tegay dalal dhowr ah

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka oo ka warbixiyey safaro uu ku tegay dalal dhowr ah

August 3, 2025
Howlgallo qorsheysan oo laga fuliyay deegaannada ku teedsan Webiga Shabeelle

Howlgallo qorsheysan oo laga fuliyay deegaannada ku teedsan Webiga Shabeelle

August 3, 2025

Kulanka ayaa waxaa looga hadlayay sidii iskaashi buuxa u yeelan lahaayeen dhamaan ciidamada qalabka sida marka ay sameynayaan howlgalada lagu xaqiijinayo ammaanka dalka.

Taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed sareeyo gaas Maxamed Aadan Axmed ayaa ugu horeyn madaxweynaha warbixin ka siiyay kulamada maalinta Khamiista ah ay isugu yimaadaan saraakiisha ciidanka qalabka sida.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulanka khudbad dheer ka jeediyay ayaa waxaa uu ka hadlay arimaha badan oo quseeya amniga wadanka iyo sidii loo tayeyn lahaa ciidanka qalabka sida ee dalka.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in loo baahan yahay in meesha laga saaro wada shaqeyn la’aanta ka dhex jirta ciidanka qalabka sida isla markaana saraakiisha looga fadhiyo in ay wax ka qabtaan khaladaadka jira.

Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale tilmaamay in ciidanka qalabka sida sanadka soo socda looga baahan yahay in ay la wareegaan ammaanka guud ee wadanka si looga maarmo ciidamo shisheeye, waxaana saraakiisha uu maanta la kulmay uu ku adkeeyay in ay sugaan difaaca wadanka.

 

Previous Post

Wasiirka arimaha dibadda oo la kulmay safiirka Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya

Next Post

Dhageyso warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka Duhur ee Radio Muqdisho

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka oo ka warbixiyey safaro uu ku tegay dalal dhowr ah

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka oo ka warbixiyey safaro uu ku tegay dalal dhowr ah

August 3, 2025
0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow ayaa gudoomiyay kulan muhiim ah oo lagu soo...

Howlgallo qorsheysan oo laga fuliyay deegaannada ku teedsan Webiga Shabeelle

Howlgallo qorsheysan oo laga fuliyay deegaannada ku teedsan Webiga Shabeelle

August 3, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta ka fuliyay howlgal qorsheysan oo amni xaqiijin ah deegaanada Deegaanleey, Muryaale iyo Ceelka Waranle ee...

Magacaabista Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Beri ee Soomaaliya

Magacaabista Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Beri ee Soomaaliya

August 3, 2025
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa Magacaabista Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Beri ee...

Guddoomiye Muungaab oo xilka u kala wareejiyay Guddoomiye Kuxigeenka cusub ee Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir iyo midkii hore

Guddoomiye Muungaab oo xilka u kala wareejiyay Guddoomiye Kuxigeenka cusub ee Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir iyo midkii hore

August 3, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xilka u kala wareejiyay Mudane Cabdimajiid Daahir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In