Thursday, May 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Maareeye “Sharciga saxaafadda door muhiim ah ayuu ka qaadan doonaa ilaalinta sharciga”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta oo sheegay in beesha caalamka ay bogaadisay horumarka dowladda “Dhageyso”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta dhaqanka, iyo dalxiisa ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa sheegay in xeerka saxaafaddu uu door weyn ka qaadan doono ilaalinta sharciga iyo tan suxufiga.

Wasiirka Warfaafinta oo ka qeyb galay barnaamijka kulanka todobaadka ee ka baxa Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka ayaa tilmaamay in xeerka uu soo maray marxalado kala duwan, isla markaana loo qabay baahi aad u weyn.

Related posts

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

May 27, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

May 27, 2026

“Sameynta xeerka Saxaafadda waxaa la soo hadal qaaday sanadkii 2001-dii, aniga markii 2005-tii la ii magacaabayna, waxaan raadiyay xogta ku saabsan sida lagu heli karo xeer lagu maamulo bahda saxaafadda, runtii qabyo qoraal ayaan xilligaas sameyney, laga soo waqtigaasi ayuu ka soo bilawday marxalado kala duwan ayuuna soo maray, laakiin Alle mahadiisa guushaaas wuu mira dhalay, in la helo sharcigana waa arrin muhiim ah” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiisa mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in xeerka saxaafadda ee baarlamaanku meelmariyay uu yahay mid aad ugu muhiimsan bahda saxaafadda, isla markaana loo qabay baahi taagan.

“Rutnii markii uu golaha Wasiiradu meelmariyay sharcigan, kadib waxan u saarnay guddi ka socday bahda saxaafadda oo wax ka badal ka sameeya, waxaana markii dambe u gudbinay baarlamaanka oo meelmariyay, waxaana iminka ka warsugeynaa in Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu saxiixo si uu u noqdo xeer dhaqan galay” ayuu yiri Wasiirka oo hadalkiisa ku daray inaysan jirin wax cabasho ah oo ka yimid bahda saxaafadda iyo tan beesha caalamka oo dhankooda gacan ka geystay sharcigan.

 

 

 

Previous Post

Daawo Sawirada Munaasabad Ay Ku Qalinjabiyeen Arday Dhameysatay Waxbarashada Jaamacada Plasma

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

May 27, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shacab iyo masuuliyiin kula...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

May 27, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa boqolaal ka mid ah shacabka Soomaaliyeed kula tukaday Salaadda Ciidda Carafo,...

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Adxa

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Adxa

May 26, 2026
0

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda barakeysan ee Ciidul-Adxa oo ah munaasabad xambaarsan qiime...

Wasiirka Qoyska XFS oo war kasoo saartay Doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday KGS

Wasiirka Qoyska XFS oo war kasoo saartay Doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday KGS

May 26, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa hambalyo u dirtay dhammaan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In