Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Maareeye “Sharciga saxaafadda door muhiim ah ayuu ka qaadan doonaa ilaalinta sharciga”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
January 2, 2016
in Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta oo sheegay in beesha caalamka ay bogaadisay horumarka dowladda “Dhageyso”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta dhaqanka, iyo dalxiisa ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa sheegay in xeerka saxaafaddu uu door weyn ka qaadan doono ilaalinta sharciga iyo tan suxufiga.

Wasiirka Warfaafinta oo ka qeyb galay barnaamijka kulanka todobaadka ee ka baxa Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka ayaa tilmaamay in xeerka uu soo maray marxalado kala duwan, isla markaana loo qabay baahi aad u weyn.

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025

“Sameynta xeerka Saxaafadda waxaa la soo hadal qaaday sanadkii 2001-dii, aniga markii 2005-tii la ii magacaabayna, waxaan raadiyay xogta ku saabsan sida lagu heli karo xeer lagu maamulo bahda saxaafadda, runtii qabyo qoraal ayaan xilligaas sameyney, laga soo waqtigaasi ayuu ka soo bilawday marxalado kala duwan ayuuna soo maray, laakiin Alle mahadiisa guushaaas wuu mira dhalay, in la helo sharcigana waa arrin muhiim ah” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiisa mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in xeerka saxaafadda ee baarlamaanku meelmariyay uu yahay mid aad ugu muhiimsan bahda saxaafadda, isla markaana loo qabay baahi taagan.

“Rutnii markii uu golaha Wasiiradu meelmariyay sharcigan, kadib waxan u saarnay guddi ka socday bahda saxaafadda oo wax ka badal ka sameeya, waxaana markii dambe u gudbinay baarlamaanka oo meelmariyay, waxaana iminka ka warsugeynaa in Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu saxiixo si uu u noqdo xeer dhaqan galay” ayuu yiri Wasiirka oo hadalkiisa ku daray inaysan jirin wax cabasho ah oo ka yimid bahda saxaafadda iyo tan beesha caalamka oo dhankooda gacan ka geystay sharcigan.

 

 

 

Previous Post

Daawo Sawirada Munaasabad Ay Ku Qalinjabiyeen Arday Dhameysatay Waxbarashada Jaamacada Plasma

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In