Guddi isku howlay xalinta xiisado ku soo laab laabtayDegmada Caabudwaaq ayaa soo bandhigay sida ay oga gun gaareen arintaasi.
Guddiga ayaa mudadii ay ku jireen howshaasi xal u helideeda ay sheegeen in uu ku gacan siinayay Ugaas Axmed Barre Cali oo si toos ah ay ugu xirnaayeen guddigu isla markaana u xilsaartay hagida howshaasi.
Maxamed Cabdisalaan Faarax (Kore) oo ka mid ahaa xubnaha guddiga isu taagay xalinta dhibaatada mudoooyinkaan ka jirtay deegaanka ayaa mar uu sharaxayay habka ay u wajaheen waxaa uu yiri waxaan ka bilaawnay dhaqanka taasi oo noo suurta galisay meesha aan maanta joogno.
Qaar kamid ah dhinacyada gudigu isku keenay si ay meesha oga saareen mashaakil ka dhex dooda ayaa soo dhaweeyay in la wada hadllo si waxii tabashaa meesha looga saaro.
Shiikh Daauud Xirsi Siyaad oo ka mid ah Culimada deegaanka ayaa tilmaamay in lagu yareen karo dilalka deegaanka ku soo lab laabtay in sharciga la waafajiyo dadka gacan ku dhiig la yaasha ah taasi oo ay diinteenu la faraayso ayuu yiri Shiikh Daauud oo la hadlayay Odayaasha dhaqanka.
Ugaas Axmed barre oo soo xiray hadalka ayaa ugu dambeyntii u duceeyay dhinacyada sida ay tanaasulka u sameeyeen waxaana ugu baaqnay in laga dhabeeyo Go’aanada ayna sii wadaan wadahadalka lagu dhameynayo Khilaafaadka.
C/kariin Axmed Bulxan Caabudwaaq