Tuesday, February 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Gaashaandhigga oo Taliska AMISOM kala hadlay dar-dar gelinta la dagaallanka Argagixisada “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Gaashaandhigga oo Taliska AMISOM kala hadlay dar-dar gelinta la dagaallanka Argagixisada “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini, ayaa maanta xafiiska ku qaabilay Taliyaha Ciidamadda Midowga Africa ee  AMISOM Jeneraal Mohammedesha Zeyinu, waxana kulanka ku weheliyey Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sareeyo Gaas Maxamed Aaden Axmed iyo saraakiil ka tirsan AMISOM. Iyadoo  ay ka wada hadleen ammaan guud ee dalka iyo sidii loo dar-dar gelin lahaa sanadka cusub howlgalada lagu baacsanayo kooxaha argagixisada ah.

Taliyaha Ciidanka AMISOM General Zeyinu  ayaa Wasiirka iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed war-bixin ka siiyey shaqooyinka ciidammada AMISOM ay ka wadaan  guud ahaan Soomaaliya iyo doorka ay ku leeyihiin xasilinta dalka, dhismaha iyo taakuleynta ciidammada Qaranka.

Related posts

Soomaaliya oo loo ogolaaday inay bixiso Baasaboorka Bulshada Bariga Afrika

Soomaaliya oo loo ogolaaday inay bixiso Baasaboorka Bulshada Bariga Afrika

February 17, 2026
Madaxweynaha Turkiga, Erdogan oo booqanaya Ethiopia

Madaxweynaha Turkiga, Erdogan oo booqanaya Ethiopia

February 17, 2026

Kulankan ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo AMISOM ay u sii dardargelin lahaayeen  howlgallada socda ee lagula dagaallamayo kooxaha nabad-diidka ah, si gobollada dalka ee ay ku dhuumaalay-sanayaan sanadka cusub ee 2016 guud ahaan gacanta dawladda loo soo gelin lahaa.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa uga mahadceliyey AMISOM  sida ay Soomaaliya u garab taagan yihiin iyo dadaaladooda ku wajan in lagu guuleysto xasilinta dalka iyo la dagaallanka argagixisada dhibaatada ku heysa Soomaaliya, isagoo dhinaca kale tilmaamay sida ay lagama maarmaanka u tahay in mar walba laga faa’iideysto waqtiga.

“Aad ayaan u bogaadinayaa ciidammadeena iyo kuwa Midowga Afrika ee howlgallada socda ka qeyb qaadanayaa. Howlgaladan  waa kuwa loogu talagaley in muddo aad u yar dalka oo dhan looga sifeeyo cadowga. Ayuu yiri Wasiir Diini.

IMG_5785 IMG_5786 IMG_5788 IMG_5789 IMG_5794

Previous Post

Xiisado ku soo laab laabtay Caabudwaaq oo xal nabadeed laga gaaray “SAWIRRO”

Next Post

Wakaaladda Mad-bacadda Qaranka oo laga joogo dib u shaqeynteedii muddo 45 sano ah ” Taariikh kooban”

Next Post
Wakaaladda Mad-bacadda Qaranka oo laga joogo dib u shaqeynteedii muddo 45 sano ah ” Taariikh kooban”

Wakaaladda Mad-bacadda Qaranka oo laga joogo dib u shaqeynteedii muddo 45 sano ah " Taariikh kooban"

Soomaaliya oo loo ogolaaday inay bixiso Baasaboorka Bulshada Bariga Afrika

Soomaaliya oo loo ogolaaday inay bixiso Baasaboorka Bulshada Bariga Afrika

February 17, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Tanzania, isla markaana ah Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya Ururka Bulshada Bariga Afrika...

Madaxweynaha Turkiga, Erdogan oo booqanaya Ethiopia

Madaxweynaha Turkiga, Erdogan oo booqanaya Ethiopia

February 17, 2026
0

Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan ayaa maanta oo Taalada ah booqasho rasmi ah ku imaanaya Magaalada Addis Ababa, ee...

Qoysas Khawaarijta ka barakicisay Sabiid iyo Caanoole oo dib-u-dejin loo sameeyey

Qoysas Khawaarijta ka barakicisay Sabiid iyo Caanoole oo dib-u-dejin loo sameeyey

February 17, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay weheliyaan Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Cali Yuusuf Cali, iyo Taliyaha Ciidanka...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika

February 16, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika, oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In