Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Caawa 02-Jan-16 soo xiray shirkii isla-xisaabtanka Hay’adaha maamulka Puntland, shirkaas oo maanta 15-wasaaradood iyo labo hay’adood ay ku soo bandhigeen wax-qabadkoodii sannadki tegey ee 2015-ka.
Dhammaan hay’adihii kala duwanaa ee maanta soo bandhigay wax-qabadkoodii ayaa waxaa su’aalo la-xiriira shaqooyinkooda weydiinayey intii shirku socdey Madaxweynaha Puntland, Madaxweyne ku-xigeenka, Golaha Wasiirada iyo xeeldheerayaal ka kala socday ururada kala duwan ee bulshada kuwaas oo ka qayb galay shirka.
Shirka oo socon doona muddo labo maalmood oo dambe ah ayaa maalinimada beri ah waxa lagu soo bandhigi doonaa wax-qabadkii qaybo ka mid ah Hay’adaha maamulkaasi, kuwaas oo aan weli bandhigin waxyaabihii u qabsoomay.
Sidoo kale maalinta ugu dambaysa ee 04-Jan-2016 ayaa qorshuhu yahay in Hay’adaha Idil ahaantoodba ay soo bandhigaan qorshe hawleedkooda sannadkan cusub ee 2016-ka iyo wax-yaabaha ay hiigsanayaan.
Madaxweynaha Puntland ayaa ku tilmaamay ujeedka barnaamijkani in ay tahay in bulshada iyo dawladdu ay isu muuqdaan islamarkaasna ay bulshadu ogaato halka ay marayaan shaqooyinka baaxadda leh ee ay dawladdu u hayso.
Madaxweyne Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa tilmaamay in barnaamijkan uu dar-dar gelin doono shaqada uu maamulku u hayo bulshada, isagoo xusay in Puntland ay ku dhisantahay wadatashi iyo isla-xisaabtan isla markaasi shacabka Puntland ay yihiin kuwo la xisaabtami doona maamulkooda.