Wednesday, May 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qaxooti Soomaali ah oo dibad bax ka dhigay Jarmalka

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Qaxooti Soomaali ah oo dibad bax ka dhigay Jarmalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dadka Soomaaliyeed ee qaxootiga ku ah dalka Jarmalka ayaa lagu soo waramayaa in ay dibad baxyo ka dhigeen magaalooyinka wadankaasi, kadib markii xukuumadda dalka Jarmalka ay Soomaalida u sheegtay in aysan u aqoonsan doonin qaxooti maadaama dalka Soomaaliya ay haatan deganaansho nabadeed ay ka jirto sida laga soo xigtay saraakiisha dalkaas.

Wariye C/qani Cali Dalmar oo kamid ah dadka Soomaaliyeed oo ku nool qaaradda Yurub ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed oo ku dhaqan dalka Jarmal aysan dibad baxyada arintan loogu soo horjeedo loo kala harin.

Related posts

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

May 27, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

May 27, 2026

Dowladda Jarmalka ayaa sheegtay in dadka ka soo jeeda wadamada Suuriya iyo Eretria ay u aqoonsantahay ayna wadanka ku leeyihiin xuquuq, halka Soomaalida halkaas joogta ay sheegeen kuwo dhaqaale doon ah sidaa darteedna wax xuquuq ah aysan dalka Jarmalka ku laheyd.

C/qani ayaa sidoo kale sheegay in banaan baxyo ay ka socdeen magaalooyin badan oo ka tirsan Jarmalka sadexdii maalin ee la soo dhaafay, isla markaana 28 bishan Janaayo ay ku balameen in ay sameeyeen dibad bax aad u balaaran oo ay ka soo qeybgali doonaan dad badan oo Soomaaliyeed oo ku nool wadankaasi.

Dibad baxyaasha Soomaalida ah ayaa hortagay maxkamadda sare ee dalkaasi, iyadoo maxkamadu ay u sheegtay in dooda ay qabaan loo gudbin doono baarlamaanka Jarmalka.

Jarmalka ayaa waxaa ku nool Soomaali aad u badan oo qaarkood ay dalkaasi deganaansho ka heysta hase yeeshee waxaa jira kuw kale oo aan wax sharci ah ku joogin dalka Jarmalka.

 

Previous Post

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wafdi la socda ayaa gaaray Dalka Suudaan-SAWIIRO.

Next Post

Dhageyso barnaamijka faaqidaada wararka

Next Post
Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka

Dhageyso barnaamijka faaqidaada wararka

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

May 27, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shacab iyo masuuliyiin kula...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

May 27, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa boqolaal ka mid ah shacabka Soomaaliyeed kula tukaday Salaadda Ciidda Carafo,...

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Adxa

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Adxa

May 26, 2026
0

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda barakeysan ee Ciidul-Adxa oo ah munaasabad xambaarsan qiime...

Wasiirka Qoyska XFS oo war kasoo saartay Doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday KGS

Wasiirka Qoyska XFS oo war kasoo saartay Doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday KGS

May 26, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa hambalyo u dirtay dhammaan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In