Shirkan oo sanadkiiba mar laqabto ayaa waxaa ka soo qeybgalay wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga Maxamed C/laahi Xasan Nuux , Xildhibaano, wasiiro hore , maamulka gobolka Guddiga Fulinta GOS, Madaxda Xiriirada, Ururuada , Zoonanka gobolada dalka iyo marti sharaf kale.
Shirweynaha oo soconayay 6-7 January ayaa waxaa warbixin lagu falanqeynayo waxyaabihii GOS u qabsoomay sanadkii tagay ee 2015 Gudaha iyo dibadda iyo waxa hada uqorsheeysan ineey qabtaan sanadkan oo ay kamid aheyd faahfaahinta dhaqaalaha soo gala GOS iyo sida ay uqarashaareyso waxaa soo jeediyay xoghayaha GOS Duran Axmed Faarax ,waxaana warbixinta si weyn ugu riyaaqay Madaxda shirka ku sugnayd.
Sidoo Kale waxaa shirka ka hadlay Xildhibaan Pro: Cabdiraxmaan Xaaji Aadan (Ibi) Ex Wasiirkii hore ee Gaadiidka Saciid Jaamac Qorsheel, Taliyaha ciidanka Asluubta sareeye gaas Bashiir Maxed jaamac (Bashiir Goobe) waxayna amaan usoo jeediyeen GOS oo dowladda aanan garab kahelayn isboortiga horumarintiisa u istaagtay waxayna si gaar ugu hambalyeeyeen dadaalka xagga maamul wanaaga iyo habka wanaagsan ay u soo bandhigeen warbixin sanadeedka dhanka dhaqalaha oo tusaale wanaagsanah.
Masuuliyiinta ayaa dhanka kale Wasiirka dhalinyarda iyo isboortiga oo goobta ku sugnaa ka ugu baaqay in uu dadaal u galo sidii GOS iyo Xiriirada ay Miisaanyad uga heli lahayeen Xukumada iyo dib u soo celinta Garoonka Stadium Muqdisho iyo garoomadii kooxaha dalka.
Wasiirka dhalinyarada isboortiga Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux oo shirweynaha ka hadlay ayaa tilmaamay in Wasaaraddiisu ay ka go’an tahay horumarinta Isboortiga ,waxuuna ku baaqay in la qabto shirweyne ay ku kulmayaan Wasaaradda ,GOS,xiriirada iyo odayaashii hore ee isboortiga taasoo ah ari ay ku xalin karaan dhibaatooyinka jira guud ahaan ayna si wadajir ah guul uga gaari karaan sidii ay dowladda uu qancin lahaayeen in ay kaalin muuqata ka qaadato horumarka isboortiga dalka.
Guddoomiyaha GOS Cabdullaahi Axmed Tarabi oo shirweynaha soo xeray ayaa sheegay in GOS oo heshiis la gaartay shirkad Hantidhowr ah iyo Qareen oo kala shaqeeya Horumarinta isbootiga .
Guddoomiye Tarabi ayaa dhanka kale madaxda xiriirada iyo Soonanka kula dardaarmay in sanadkan 2016 ay sameeyaan isbedel weyn , gaar ahaan Gobolada ay ka guuraan hanaanka Magacaabista oo ay u dhaqaaqaan hab doorasho, waxuuna ugu dambayn u mahad celiyay dhamaan masuuliyiintii kasoo qayb gashay shorwanaha.
W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow
Waaxda Warfaafinta GOS