Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Koleyga ayaa tababar Macalinimo ugu soo gebagabeeyay magaalada Muqdisho, Waxaana xaflada xeritaanka ka soo qeyb galay mas’uuliiyin ka socotay guddiga Olombikada, Xirirka kubada koleyga , Madaxda Xirirada iyo marti sharaf kale .
Ugu horeyn waxaa xaflada Ka hadlay Ku-simaha Xoghayaha XSKK Cabdi Cabdulle Baasaale, waxuuna sheegay in tababarka ay ka qyab galeen 33 macalin dhalinyaro u badan oo si wanagasan uga qeyb qaatay tababarkan ka soo dhalaali doona aqoonta ay barteen.
Macalin Cumar Cabduqaadir Baarajab oo tababarka bixinayay ayaa sheegay in uu la kulmay macalimiin dhalinyaro ah oo diyaar u ah in ay bartaan xirfada macalinimo isla markaana ka mirodhalin kara iyo cayaartooy da’yar oo aad u danaynaya barashada xirfada kubadda Koleyga taasna ay muujinaysa horumarka kubadda koleyga .
Macalin Baarajab ayaa dhanke kale Macalimiinta kula dardaarmay in ay guddi ay samaystaan kulaman ay yeeshaan si ay ukala faa’iidaystaan , waxuuna mahadcelin u soo jeediyay XSKK iyo intii ka gacanta ka geysatay socodsiinta tabaraka.
Guddoomiyaha Xiriirka kubadda Koleyga Cabdullaahi Nuur Maxamed Cabdi oo Xaflada ka hadlay ayaa sheegay in tababarkan u bilow yahay xiriirkana uu qaban doono tababaro kale oo lagu horumarinayo macalimiinta kubada koleyga isla markaana tababarka xiga ay ka qayb qaadan doonaan macalimiin ka socota gobolada dalka.
Cadaani ayaa dhanka kale guddiga farsamada XSKK ku amray in macalimiinta tababarka ka qayb qaadatay loo qeybiyo Iskuulada iyo Jamaacadaha isla markaana kormeel joogta ah ku sameeyaan.
Gebagebadii waxaa tababarka soo xiray xoghayaha guud ee GOS Duraan Axmed Faarax waxuuna sheegay si la helo cayaartooy wanaagsan ay marka Hore Macalimiintt tababari lahaa la helo talaabada uu xiriirka qaadayna ay tahay mid ku haboon xilligan.
Xoghayha ayaa dhanka intaa kudaray in tababaradan ay ku koobnaan ee caasimadda lana gaarsiiyo gobolada dalka , waxuuna intaa ku daray in GOS soo dhaweynayo dadaalda xiriirka iyo Macalin Baarajab oo sameeyay qorshe horumaneed GOS-na ay ka qayb qaadan doonto dadaaladaas, waxuuna ugu dambayn macalimiinta tababarka usoo idlaaday kula dardaarmay in ay dadaalka halkooda kasii wadaan.
waxuuna Macalin Cumar Baarajab oo door muhiim ah ka qaatdanaya , waxuuna Macalimiinta tababarka u idlaaday kula dardaarmay in ay kasoo dhadhaalaan aqoonta iyo waqtiga lageliyay.
W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow