Kulan ay soo qabanqaabiyeen Midowga ardayda Soomaaliyeed ee Sudaan ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin ay ka midyihiin Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Odowaa, Siihayaha Safaaradda Somaliyeed ee Dalka Sudan Mudane Ibraahim Guure Maxamed, Xoghayaha Guud ee Culimada Somaliyeed Sheekh Maxamed Xaaji, Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Sudaan Cabdiweli Xasan Fadiilatu.
Kulankan oo ahaa mid iswareysi ah isla markaana uu Wasiirka kaga warbixnayay horumarka ka socda dalka gaar ahaan dhanka waxbarashada.
Wasiirka ayaa sheegay in dalku uu ka jiro isbadalo aad u weyn kaa oo laga dareemi karo xiligan,
Wasiirka ayaa kaga mahadceliyay dadka reer Sudaan garab istaaga ay garab istaageen shacabka Soomaaliyeed burburkii dalka ilaa xilligan walina aanan ka daalin inay caawiyaan shacabka Soomaaliyeed
Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Odowaa Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in Aqoonyahannada Soomaaliyeed uu dalka sugayo isla markaana ay muhiim tahay inay qayb ka qaataan sidii loo horumarin lahaa,
Sidoo Kale Midowga ardeyda Soomaaliyeed ee Dalka Sudaan ayaa Wasiirka ku amaanay dadaaladii uu sameeyay mudadii uu xilka hayay.
Sawir Qaade Yusuf Kashmiir