Wednesday, December 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo maanta kulankii ugu horreeyay la yeeshay Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Madaxweynaha oo maanta kulankii ugu horreeyay la yeeshay Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xarunta madaxtooyada ku qaabiley Wakiilk cusub ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, Michael Keating.

Madaxweynaha ayaa wakiilka cusub uga warbixiyay xaaladda dalka, isagoo si gaar ah diiradda u saaray horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga , siyaasadda, qeybsiga kheyraadka iyo dib u dhiska dalka.

Related posts

Wasiir Arrimaha gudaha XFS oo soo dhaweeyay muwaadiniin dib loogu soo celiyay dalka.

Wasiir Arrimaha gudaha XFS oo soo dhaweeyay muwaadiniin dib loogu soo celiyay dalka.

December 10, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Masar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Masar ee Soomaaliya

December 9, 2025

Wakiilka cusub ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Mr Keating oo isna kulanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu ka hawlgalo Soomaaliya, isagoo intaa ku darey in Qaramada Midoobay ay sii wadeyso taageerada ay u fidiso Soomaaliya, inta uu xilka hayana uu dardar gelin doono mashaariicdii ay Qaramada Midoobay ka waddey dalka.

Mr Keating waa diblomaasi u dhashey dalka Britain, waxaana uu beddelayaa Mr Nichoals Kay oo ahaa wakiilkii hore ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, oo muddadi uu xilka hayey ay dhammaatey.

Kulanka Madaxweynaha iyo Wakiilka Qaramada Midoobay waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka kala socotey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

1 4 unnamed unnamed1


Previous Post

Maamulka cusub ee gobolka Shabeelaha hoose oo xilka la wareegay

Next Post

War-murtiyeed: Wada-xaajoodkii Kismaayo ee Hoggaamiyayaasha Madasha Wadatashiga Qaran

Next Post
Madaxweynaha oo furay shirka madasha Wada-tashiga heerka Qaran

War-murtiyeed: Wada-xaajoodkii Kismaayo ee Hoggaamiyayaasha Madasha Wadatashiga Qaran

Wasiir Arrimaha gudaha XFS oo soo dhaweeyay muwaadiniin dib loogu soo celiyay dalka.

Wasiir Arrimaha gudaha XFS oo soo dhaweeyay muwaadiniin dib loogu soo celiyay dalka.

December 10, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh, ayaa kulan soo-dhoweyn, xog-wareysi, iyo dardaaran ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Masar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Masar ee Soomaaliya

December 9, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar u...

Golaha Midowga Culimada oo kormeer ku tegay Bakhaarka Keydka gargaarka ee Hay’adda SoDMA

Golaha Midowga Culimada oo kormeer ku tegay Bakhaarka Keydka gargaarka ee Hay’adda SoDMA

December 9, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Midowga Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Aaden Abuukar Cismaan (Suufi Yare) oo hoggaaminaya xubno ka tirsan Golayaasha Culimada ayaa booqasho...

Wasiiro ka tirsan XFS oo kormeeray xarunta Degmada Howlwadaag oo ay ka socoto qaadashada kaarka codbixinta

Wasiiro ka tirsan XFS oo kormeeray xarunta Degmada Howlwadaag oo ay ka socoto qaadashada kaarka codbixinta

December 9, 2025
0

Wafdi Wasiirro ah oo kala ah Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Maxamuud Axmed (Geesood), Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In