Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku kala nool dalka iyo dibadda ayaa si isku mid ah u muujiyay sida ay uga xunyuhuun weerarki argagixisadu ku xasuuqday dad Soomaaliyeed oo abriya ah kuwaasoo u nasasho tegay xeebto Liido.
Bulshada Soomaaliyeed ayaa bilaawday inay bogagga Intarnetka ay ku soo qoraan farriimo ah inay sii wadi doonaan booqashada xeebta Liido ee magaalada Muqdisho kadib weerarkii Khamiistii oo lagu dilay muwaadiniin Soomaaliyeed.
Baraha xiriirka bulshada ayaa la soo dhigay sawirrada boqolaal dad ah oo ku dabaalanaya xeebta, qaar kubbad ku cayaaraya iyo kuwo ku raaxeysanaya, waxaayna bulshadu muujinayaan in aanay cabsi gelin doonin weerarradaasi oo dadku ay noloshooda sii wadan doonaan.
Dadka Soomaaliyeed ayaa dareenkooda ku muujiyay Bogagga Intarnetka, iyagoo ku tilmaamay falkii argagixiso ee ka dhacay Liido mid aan baqdin gelin doonin, kana reebi doonin iney sii wataan noloshooda caadiga ah, waxeyna isku guubaabinayaan iney usoo jeestaan sidii ay uga hortagi lahaayeen xasuuqa argagixisadu ku heyso shacabka Soomaaliyeed.
Wixii ka dambeeyay markii kooxda Shabaab laga saaray Muqdisho Shan sano ka hor, Muqdisho waxa ay ku tallaabsatay horumarro dhinacyo kala duwan leh, iyadoo ay soo hagaagtay nolosha bulshada, taasina waxaa sabab u ah ciidamada ammaanka oo xaqiijiyay ammaanka caasimadda.
Maleeshiyaadka Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarki Liido taasoo marqaati cad u ah in kooxdu usoo jeesatay daadinta dhiigga ummadda Soomaaliyeed ee abriyada ah, iyadoo aysan jirin cid ay u turayaan caruur iyo ciroole.