Tuesday, December 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Lugta ee dalka Sweden.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Lugta ee dalka Sweden.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya S/Gaas Maxamed Aaden Axmed,  ayaa maanta ku soo dhaweeyey magaalada Muqdisho, Taliyaha Ciidanka Lugta ee dalka Sweden  Brigadier General Stefan Andersson oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho. Labada Taliye oo kulan gaar ah ku yeeshay Xarunta Wasaaradda Difaaca, ayaa ka wada hadlay xoojinta taageerada ay dawladda Sweden siiso Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sareeyo Gaas Maxamed Aaden Axmed Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa uga mahad-celiyay Taliyaha Ciidanka Lugta ee dalka Sweden booqashada uu ku yimid magaalada Muqdisho markii ugu horeysay, waxana Taliyaha Xooga uu sheegay in Soomaaliya iyo Sweden ay yihiin wadamo saaxiibo ah isla markaana labada dhinac iska kaashanayaan sidii kor loogu qaadi lahaa tayada iyo tababarka Ciidanka Xoogga dalka.

Related posts

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

December 15, 2025
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

December 15, 2025

Brigadier General Stefan Andersson Taliayaha Ciidamada Lugta ee Sweden oo kulanka ka hadlay ayaa dhankiisa Mahadcelin u jeediyay saraakiisha Ciidanka Soomaaliyeed sida wanaagsan oo ay u soo dhoweeyeen, waxaana uu sheegay in Soomaaliya dhibaato badan soo martay hase yeeshee ay ka soo kabanayso dhibaataadaas. wuxuna xusay in dawladda Sweden ay kordhin doonto taageerada ay la garab taagan tahay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Aaden ayaa tacsi u direy ehellada iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuum Cabdi Xaaji Goob-doon oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho, wuxuna sheegay Taliyihu in Goobdoon uu ahaa muwaadin muddo dheer u soo shaqaynayay dadka iyo dalka Soomaaliyeed taariikhna uga tagey.

DSC01510 DSC01542

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Cumar “ Cabdi Xaaji Goob-doon wuxuu ahaa tiir ay tabi doonaan guud ahaan dadka Soomaaliyeed”.

Next Post

Kulan loogu duceynayay Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif laguna taageerayay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Oo Muqdisho Lagu Qabtay “Sawirro”

Next Post
Kulan loogu duceynayay  Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif laguna taageerayay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Oo Muqdisho Lagu Qabtay “Sawirro”

Kulan loogu duceynayay Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif laguna taageerayay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Oo Muqdisho Lagu Qabtay "Sawirro"

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

December 15, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 22-aad. Kulanka waxaa...

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

December 15, 2025
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa daahfuray kulan aqoon-is-weydaarsi ah oo ku saabsan hagaajinta...

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Mashaariic Muhiim u ah Dadweynaha Caasimadda

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Mashaariic Muhiim u ah Dadweynaha Caasimadda

December 15, 2025
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta hoggaamiyay munaasabadda dhagax-dhigga xarumo muhiim u...

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

December 15, 2025
0

Hay’adda Qaranka ee Tirakoobka Soomaaliyeed (SNBS), iyada oo kaashanaysa wasaaradaha ay wada-shaqeeyaan iyo bah-wadaagta horumarinta, ayaa si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In