Saturday, August 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Lugta ee dalka Sweden.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Lugta ee dalka Sweden.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya S/Gaas Maxamed Aaden Axmed,  ayaa maanta ku soo dhaweeyey magaalada Muqdisho, Taliyaha Ciidanka Lugta ee dalka Sweden  Brigadier General Stefan Andersson oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho. Labada Taliye oo kulan gaar ah ku yeeshay Xarunta Wasaaradda Difaaca, ayaa ka wada hadlay xoojinta taageerada ay dawladda Sweden siiso Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sareeyo Gaas Maxamed Aaden Axmed Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa uga mahad-celiyay Taliyaha Ciidanka Lugta ee dalka Sweden booqashada uu ku yimid magaalada Muqdisho markii ugu horeysay, waxana Taliyaha Xooga uu sheegay in Soomaaliya iyo Sweden ay yihiin wadamo saaxiibo ah isla markaana labada dhinac iska kaashanayaan sidii kor loogu qaadi lahaa tayada iyo tababarka Ciidanka Xoogga dalka.

Related posts

Wasiirka Amniga Gudaha oo soo xiray tababarka Dufcadda 5-aad ee Ciidanka Darawiishta

Wasiirka Amniga Gudaha oo soo xiray tababarka Dufcadda 5-aad ee Ciidanka Darawiishta

August 13, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Dhuusamareeb

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Dhuusamareeb

August 13, 2026

Brigadier General Stefan Andersson Taliayaha Ciidamada Lugta ee Sweden oo kulanka ka hadlay ayaa dhankiisa Mahadcelin u jeediyay saraakiisha Ciidanka Soomaaliyeed sida wanaagsan oo ay u soo dhoweeyeen, waxaana uu sheegay in Soomaaliya dhibaato badan soo martay hase yeeshee ay ka soo kabanayso dhibaataadaas. wuxuna xusay in dawladda Sweden ay kordhin doonto taageerada ay la garab taagan tahay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Aaden ayaa tacsi u direy ehellada iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuum Cabdi Xaaji Goob-doon oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho, wuxuna sheegay Taliyihu in Goobdoon uu ahaa muwaadin muddo dheer u soo shaqaynayay dadka iyo dalka Soomaaliyeed taariikhna uga tagey.

DSC01510 DSC01542

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Cumar “ Cabdi Xaaji Goob-doon wuxuu ahaa tiir ay tabi doonaan guud ahaan dadka Soomaaliyeed”.

Next Post

Kulan loogu duceynayay Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif laguna taageerayay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Oo Muqdisho Lagu Qabtay “Sawirro”

Next Post
Kulan loogu duceynayay  Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif laguna taageerayay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Oo Muqdisho Lagu Qabtay “Sawirro”

Kulan loogu duceynayay Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif laguna taageerayay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Oo Muqdisho Lagu Qabtay "Sawirro"

Wasiirka Amniga Gudaha oo soo xiray tababarka Dufcadda 5-aad ee Ciidanka Darawiishta

Wasiirka Amniga Gudaha oo soo xiray tababarka Dufcadda 5-aad ee Ciidanka Darawiishta

August 13, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa si rasmi ah u soo xiray tababarka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Dhuusamareeb

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Dhuusamareeb

August 13, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar iyo wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayo ayaa lagu...

Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Kenya

Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Kenya

August 13, 2026
0

Wafti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho, Dr. Ibraahim Maxamed Mursal, ayaa booqasho rasmi ah ku tegay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Agaasimaha Horumarinta UK

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Agaasimaha Horumarinta UK

August 13, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan la yeeshay Agaasimaha Horumarinta Boqortooyada Midowday (UK),...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In