Thursday, October 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda arrimaha dibadda oo ka tacsiyeeysay geeridii Danjire C/llaahi Saciid Cusmaan

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
January 28, 2016
in Wararka
0
R.Wasaare Cumar oo ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Ambasador C/laahi Saciid Cismaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Dr. Abdusalam Hadliye Omer,Wasiiru dowlaha Khaled Omar Ali , Wasiir kuxigeenka. Ahmed Ali Mohamed “ Kadiye” , Xoghayaha joogtada Wasaaradda Mudane,Ali Mohamed Ali ,Agaasimayaasha Waaxyaha, Safiirada, Qunsulada guud , Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa ay tacsi u dirayaan ehellada, asxaabta iyo Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Allah u naxariistee Danjire Cabdullaahi Saciid Cusmaan oo January 27, 2016 ku geeriyooday dalka Mareykanka .

Marxuum danjire Abdullahi Said Osman oo muddo dheer ku soo jiray howlaha diblomaasiyadda , ayaa ahaa mas’uul si xeeldheer ah u yaqaan Sharciga iyo Xiriirka caalamiga ah , isagoo ka qalin jebiyay Jaamacadda Hull , oo uu ka qaatay Shahaadada qaanuunka LLP (Hons) isagoo ku takhasusay Qaanuunka caalamiga iyo kan shirkadaha ( Public International law and Mercantile/Corporate law) .

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Bogaadiyey Dib ula Wareegidda Maareynta Madaxa-bannaan ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Bogaadiyey Dib ula Wareegidda Maareynta Madaxa-bannaan ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha

October 8, 2025
Guddoomiyaha SoDMA iyo Wasiirka Beeraha XFS oo ka wada hadlay dardargelinta Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar

Guddoomiyaha SoDMA iyo Wasiirka Beeraha XFS oo ka wada hadlay dardargelinta Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar

October 8, 2025

Sanadkii 1963 ayuu helay darajada Barrister oo tilmaameysa inuu yahay sharci yaqaan Abuukaate ah .

Waxbarashadiisii Jaamacadeed ee uu ku soo qaatay England kadib , waxa uu ku soo laabtay dalka si uu ugu adeego dalkiisa iyo dadkiisa Soomaaliyeed.

Howlaha iyo xilalka shaqo ee uu qabtay Marxuum Danjire Abdullahi Said Osman waxa ay kala yihiin sidatan :

1991-1995 : Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Ururka Midnimada Afrika ( OAU)
1984- 1990: Danjiraha Soomaaliya ee Xarunta Q.M ee New York
!976- 1984 : Danjiraha Soomaaliya ee Xarunta Q.M ee Geneva.
!970- 1976 : Garyaqaanka Guud ee Dowladda ((Avvocato Generale dello Stato)
1968-1970: Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Cadaaladda.
!966- 1968 : Agaasime Waaxeed ka tirsan Wasaaradda Cadaaladda.
1965: Lataliyaha xagga Sharciga ee Ra’iisul wasaaraha
1964: Xaghayaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Haddaba, annagoo ka murugeysan , kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka , ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto,qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo,hoygiisana ka dhigo Jannada sare ee Alfardows , qoyskiisa , ehelladiisa iyo asxaabtiisana Samir iyo iimaan ka siiyo – Aamiin.

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Previous Post

Shacabkii Liido lagu laayay Miyaan Iloobi karaa? Faalo

Next Post

Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Danjire Cabdullaahi Sacid Cusmaan

Next Post
Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Danjire Cabdullaahi Sacid Cusmaan

Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Danjire Cabdullaahi Sacid Cusmaan

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Bogaadiyey Dib ula Wareegidda Maareynta Madaxa-bannaan ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Bogaadiyey Dib ula Wareegidda Maareynta Madaxa-bannaan ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha

October 8, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey tallaabada ay Soomaaliya si buuxda dib ugula soo wareegtay hannaanka...

Guddoomiyaha SoDMA iyo Wasiirka Beeraha XFS oo ka wada hadlay dardargelinta Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar

Guddoomiyaha SoDMA iyo Wasiirka Beeraha XFS oo ka wada hadlay dardargelinta Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar

October 8, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle iyo Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed...

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

October 8, 2025
0

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey qaraar muhiim ah, kaas oo Soomaaliya ay kula soo wareegayso maareynta...

DFS oo beenisay wararka ku saabsan heshiis qarsoodi ah oo ay la gashay Dowladda Sweden

DFS oo beenisay wararka ku saabsan heshiis qarsoodi ah oo ay la gashay Dowladda Sweden

October 8, 2025
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u beenineysaa warbixinnada saxaafadeed ee dhowaan lagu sheegay in Soomaaliya iyo Sweden ay wada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In