Wednesday, June 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda arrimaha dibadda oo ka tacsiyeeysay geeridii Danjire C/llaahi Saciid Cusmaan

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
R.Wasaare Cumar oo ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Ambasador C/laahi Saciid Cismaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Dr. Abdusalam Hadliye Omer,Wasiiru dowlaha Khaled Omar Ali , Wasiir kuxigeenka. Ahmed Ali Mohamed “ Kadiye” , Xoghayaha joogtada Wasaaradda Mudane,Ali Mohamed Ali ,Agaasimayaasha Waaxyaha, Safiirada, Qunsulada guud , Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa ay tacsi u dirayaan ehellada, asxaabta iyo Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Allah u naxariistee Danjire Cabdullaahi Saciid Cusmaan oo January 27, 2016 ku geeriyooday dalka Mareykanka .

Marxuum danjire Abdullahi Said Osman oo muddo dheer ku soo jiray howlaha diblomaasiyadda , ayaa ahaa mas’uul si xeeldheer ah u yaqaan Sharciga iyo Xiriirka caalamiga ah , isagoo ka qalin jebiyay Jaamacadda Hull , oo uu ka qaatay Shahaadada qaanuunka LLP (Hons) isagoo ku takhasusay Qaanuunka caalamiga iyo kan shirkadaha ( Public International law and Mercantile/Corporate law) .

Related posts

Soomaaliya oo khibraddeeda horumarineed ku soo bandhigtay shir uu bangiga Adduunku ku qabtay Washington DC

Soomaaliya oo khibraddeeda horumarineed ku soo bandhigtay shir uu bangiga Adduunku ku qabtay Washington DC

June 9, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo daah-furay dib-u-habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS oo daah-furay dib-u-habeynta Kaydka Radio Muqdisho

June 9, 2026

Sanadkii 1963 ayuu helay darajada Barrister oo tilmaameysa inuu yahay sharci yaqaan Abuukaate ah .

Waxbarashadiisii Jaamacadeed ee uu ku soo qaatay England kadib , waxa uu ku soo laabtay dalka si uu ugu adeego dalkiisa iyo dadkiisa Soomaaliyeed.

Howlaha iyo xilalka shaqo ee uu qabtay Marxuum Danjire Abdullahi Said Osman waxa ay kala yihiin sidatan :

1991-1995 : Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Ururka Midnimada Afrika ( OAU)
1984- 1990: Danjiraha Soomaaliya ee Xarunta Q.M ee New York
!976- 1984 : Danjiraha Soomaaliya ee Xarunta Q.M ee Geneva.
!970- 1976 : Garyaqaanka Guud ee Dowladda ((Avvocato Generale dello Stato)
1968-1970: Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Cadaaladda.
!966- 1968 : Agaasime Waaxeed ka tirsan Wasaaradda Cadaaladda.
1965: Lataliyaha xagga Sharciga ee Ra’iisul wasaaraha
1964: Xaghayaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Haddaba, annagoo ka murugeysan , kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka , ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto,qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo,hoygiisana ka dhigo Jannada sare ee Alfardows , qoyskiisa , ehelladiisa iyo asxaabtiisana Samir iyo iimaan ka siiyo – Aamiin.

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Previous Post

Shacabkii Liido lagu laayay Miyaan Iloobi karaa? Faalo

Next Post

Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Danjire Cabdullaahi Sacid Cusmaan

Next Post
Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Danjire Cabdullaahi Sacid Cusmaan

Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Danjire Cabdullaahi Sacid Cusmaan

Soomaaliya oo khibraddeeda horumarineed ku soo bandhigtay shir uu bangiga Adduunku ku qabtay Washington DC

Soomaaliya oo khibraddeeda horumarineed ku soo bandhigtay shir uu bangiga Adduunku ku qabtay Washington DC

June 9, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Suleyman Sheekh Cumar ayaa magaalada Washington DC uga qayb galay shir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo daah-furay dib-u-habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS oo daah-furay dib-u-habeynta Kaydka Radio Muqdisho

June 9, 2026
0

Muqdisho, 09 Juun 2026 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta...

Wasaaradda Dhallinyarada oo war kasoo saartay arrinta Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada oo war kasoo saartay arrinta Garsoore Cumar Cartan

June 9, 2026
0

Muqdisho, 09 Juun 2026 – Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn uga xun tahay duruufihii...

Muqdisho oo lagu qabanayo Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

Muqdisho oo lagu qabanayo Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

June 8, 2026
0

Magaalada Muqdisho oo ka furmaya Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya, oo ah kulan heer qaran ah oo muhiim u ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In