Monday, July 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir Madaxeedka 26-aad ee Midowga Afrika oo ka furmay Addis Ababa

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Shir Madaxeedka 26-aad ee Midowga Afrika oo ka furmay Addis Ababa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shir Madaxeedka 26-aad ee Midowga Afrika ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Addi Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, kaasi oo diiradda lagu saarayo colaadaha ka aloosan dalalka Burundi iyo Koonfuurta Suudaan.

Waxaa sidoo kale shirka barbar socon doona shir madaxeed gaar ah oo madaxda IGAD ay kaga hadli doonaan arrimaha Soomaaliya iyo shir madaxeed iyana gaar ah oo ay isugu imaan doonaan madaxda dalalka ciidammada ay ka joogaan Soomaaliya oo looga hadli doono hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Related posts

Agaasimaha Qorshaynta iyo NIS Foundation oo xoojinaya iskaashiga lagu taageerayo hirgelinta NTP 2025–2029

Agaasimaha Qorshaynta iyo NIS Foundation oo xoojinaya iskaashiga lagu taageerayo hirgelinta NTP 2025–2029

July 27, 2026
Hoggaamiyaha KGS oo soo xiray Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed Soomaaliya

Masuuliyiin ka tirsan DFS oo ka qeyb galay munaasabad lagu xusay sannad-guurada 5-aad ee Ololaha Nadaafadda Xeebaha

July 27, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa inta shirkan inta uu socdo waxaa uu shir guddoomin doonaa shir ay isugu imaanayaan madaxda Bariga Afrika ee ku jira Taliska Ciidammada Gaarka ee Bariga Afrika. Shirkan ayaa waxaa looga arrinsan doonaa xasaradda ka aloosan dalka Burundi iyo sidii dalkaasi ciidammo nabad ilaalin ah loogu diri lahaa.

Madaxweynaha ayaa kulamo la qaadan doona madaxda ka qeybgaleysa Shir Madaxeedka Midowga Afrika, oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi , Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon iyo madax kale.

Shirkan ayaa la tilmaamay inaysan ka soo qeyb gelin Madaxweyneyaasha Dalalka Burundi iyo Koonfurta Sudan, kuwaasi oo ay si toos ah u quseyso arrimaha shirka looga hadlayo.

Previous Post

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland oo kormeer ku tegay dekadda Boosaaso “SAWIRRO” “SAWIRRO”

Next Post

Banaaan bax lagu taageerayay shirkii Muqdisho oo ka dhacay Xudur “SAWIRRO”

Next Post
Banaaan bax lagu taageerayay shirkii Muqdisho oo ka dhacay Xudur “SAWIRRO”

Banaaan bax lagu taageerayay shirkii Muqdisho oo ka dhacay Xudur "SAWIRRO"

Agaasimaha Qorshaynta iyo NIS Foundation oo xoojinaya iskaashiga lagu taageerayo hirgelinta NTP 2025–2029

Agaasimaha Qorshaynta iyo NIS Foundation oo xoojinaya iskaashiga lagu taageerayo hirgelinta NTP 2025–2029

July 27, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax (Abdifatah Hared), ayaa kulan la yeeshay wafdi...

Hoggaamiyaha KGS oo soo xiray Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed Soomaaliya

Masuuliyiin ka tirsan DFS oo ka qeyb galay munaasabad lagu xusay sannad-guurada 5-aad ee Ololaha Nadaafadda Xeebaha

July 27, 2026
0

Muqdisho — Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu qabtay magaalada...

Hoggaamiyaha KGS oo soo xiray Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed Soomaaliya

Hoggaamiyaha KGS oo soo xiray Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed Soomaaliya

July 27, 2026
0

Baydhabo — Hoggaamiyaha Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa soo xiray Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada Dowlad...

Guddiga Doorashooyinka oo tababar u furay wakiillada ururrada siyaasadeed ee Galmudug

Guddiga Doorashooyinka oo tababar u furay wakiillada ururrada siyaasadeed ee Galmudug

July 27, 2026
0

Dhuusamareeb — Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa magaalada Dhuusamareeb ka furay tababar loo qabtay wakiillada ururrada siyaasadeed ee ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In