Friday, November 7, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gudoomiyaha Baarlamanka Galmudug iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray deegaanka Docolleey+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Gudoomiyaha Baarlamanka Galmudug iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray deegaanka Docolleey+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdiga uu hogaaminayay Gudoomiyaha Baarlamanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa waxaa qayb ka ahaa wasiirka amniga Cusmaan Ciise Nuur Taardhuleed, wasiir ku ixgeenkiisa, wasiirka shaqada iyo shaqaalaha, Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Galmudug, taliyaasha ciidamada qaarkood iyo mas’uuliyiin kale.

Wafdiga ayaa magaalada Docoley oo Cadaado dhinaca woqooyi bari kaga beegan 45-km ku soo dhaweeyay dadwaynaha deegaanka oo Rag iyo Dumarba aan u kala harin.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

November 6, 2025
Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

November 6, 2025

Wafdiga ka socday Galmudug ayaa kulamo la qaatay waxgaradka deegaanka, sidoo kalena kormeeray dhismaha Saldhigga Booliska ,Isbitaalka deegaanka iyo xarumo kale oo bulshadu isku xilqaantay.

Axmed Macalin Cumar Jaamac oo ka mid ah Gudiga ku hawlan dhismayaashan danta guud ayaa sheegay in uu bilowday dhismaha Saldhiiga Booliska iyo xarunta maamulku ku shaqaynayo, ayna iska aruuriyeen ilaa 200-oo neef oo jar ah, si loogu kaalmeeyo hawlaha socda, waxaana uu codsaday in lagu gacansiiyo.

Taliye ku xigeenka Booliska Galmudug Cabdi Jaamac C/lle Xabeeb ayaa sheegay in Docoley laga qorayo 20-Askari oo Boolis ah tababarna lagu siindoono magaalada Cadaado, si ay deegaankooda uga hawlgalaan, waxaana uu bogaadiyay dhismaha Saldhigii ay ku shaqaynlahaayeen oo la diyaarinayo.

Gudoomiyaha Baarlamanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa sheegay in abaabulka ka socda deegaanka Docoley uu tusaale fiican u yahay sida wacyiga bulshadu sara ugu kacay, ka maamul ahaana ay garab taaganyihiin bulshada deegaanka.

da def edr hyh kli mjy qaw tgy thgf unnamed

Previous Post

Dooni ay la socdeen tahriibayaal oo ku dagtay badda Turkiga

Next Post

M.weyne Xasan Oo Shir Gudomiyay Kulan Gar ah Oo Looga Hadlayay Xasaradaha Dalalka Bariga Afrika+Sawiro

Next Post
M.weyne Xasan Oo Shir Gudomiyay Kulan Gar ah Oo Looga Hadlayay Xasaradaha Dalalka Bariga Afrika+Sawiro

M.weyne Xasan Oo Shir Gudomiyay Kulan Gar ah Oo Looga Hadlayay Xasaradaha Dalalka Bariga Afrika+Sawiro

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

November 6, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa kulan kula qaatay xafiiskiisa masuuliyiinta kala duwan ee qeybaha hoos...

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

November 6, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Cali Siyaad, ayaa ku sugan dalka Jabuuti, halkaas oo uu uga qeyb-galayo shir...

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan ilaalinta rayidka oo la kulmay Madaxa AUSSOM.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan ilaalinta rayidka oo la kulmay Madaxa AUSSOM.

November 6, 2025
0

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan xasilinta iyo ilaalinta arrimaha rayidka, Xildhibaan Cumar Xaashi, ayaa maanta...

Danjire Maxamed Cabdullaahi oo waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo u gudbiyay Madaxweynaha dalka Ukraine

Danjire Maxamed Cabdullaahi oo waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo u gudbiyay Madaxweynaha dalka Ukraine

November 5, 2025
0

Madaxweynaha dalka Ukraine, Mudane Volodymyr Zelenskyy, ayaa ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ukraine,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In