Wafdi uu Hogaaminayay Xoghayaha Joogtada ee Wasaarada Arimaha Dibada Soomaaliya Mudane Cali Bin Cali oo ku suganย Caasimada Dalka Sudan ee Khartoum ayaa Kulamo kala duwan la yeeshay Masuuliyiinta Wasaarada Arimaha Dibada ee Dalka Suudan.
Wafdiga ayaa ย waxaa Soo dhaweeyay Masuuliyiin Ka Socotay wasaarada Arimaha dibada Suudan, iyo xubno ka mida Safaarada Dalkaย ee Suudaanย .
Xubnaha wafdiga ayaa la kulamay masuuliyiinta Wasaarada arrimaha Dibada Suudan iyagoo iska Xogwareystay arrimo badan oo ay Kamid ahaayeen Xaalada labada Dalay, iyo xiriir iskaashi oo la adkeeyo.
Waxaa kale oo xubnaha wafdiga ay ay laย kulmeen, masuuliyiinta Jaamacada Caalamiga Africa, oo casho sharaf u sameeysay masuuliyiinta, sidoo kalana waxaya la kulmeen ย ardayda wax ka barata jaamacadda Africa ee Soomaalida ah.
Xoghayaha ayaa ardayda kula dardaarmay in ay ku dadaalaan waxbarashadooda islamarkaana ay ka faaโiidaystaan Fursadaha ay siisay dowladda aan walaalaha nahay ee Suudan.
Dhanka kale Agaasime ku Xigeenka Waaxda Carabta Wasaarada Arrimaha Dibada oo ka mida Wafdiga Wasaarada ee Suudaan gaaray, Mustafa Aadan Dagal ayaa Ardayda Soomaaliyeed ee Suudaanย kala hadlay arrimaha tahriibka.
Yuusufย Kaashmiir