Tuesday, September 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Munaasabad lagu soo dhaweynayay Madaxweyne Ku xigeenka Dowlad Gobaleedka Galmudug oo Xalay lagu Qabtay Magaalada Nairobi”Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Munaasabad lagu soo dhaweynayay Madaxweyne Ku xigeenka Dowlad Gobaleedka Galmudug oo Xalay lagu Qabtay Magaalada Nairobi”Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadani oo ay soo qaban qaabiyeen Qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkani kenya ayaa waxay ahayd mid lagu soo dhaweynayay Wafdi uu hor kacayay Madaxweyne ku xigeenka dowlad gobaleedka Galmudug Maxamed Xashi Cabdi Carabeey oo howlo shaqo u yimid Kenya.

Munaasabada ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya,Wasiiro iyo Xildhibano ka tirsan Baarlamanka Galmudug iyo Xubno matalayay Qeybaha Kala duwan ee bulshada ku dhaqan magalada Nairobi oo isugu jiray Siyaasiyiin Ganacsato waxgarad Culimaa’udiin,ururada haweenka iyo kuwa dhalinyarada ee Xaafada Islii.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Madaxweynaha JFS oo Tacsi Tiiraanyo leh u diray Madaxweynaha dalka Tanzania

September 7, 2026
Soomaaliya oo ka Qaybgashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta

Soomaaliya oo ka Qaybgashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta

September 7, 2026

Waxaana munaasabada oo lagu soo bandhigay Suugaan kala duwan oo isugu jiray Gabayo iyo heeso ay halkaasi ka qaadeen qaar ka mid ah fanaaniinta Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi.

Mas’uuliyiintii kala duwaneed ee munaasabada soo  dhaweynta ah ka hadashay ayaa balan qaaday inay sii laba jibaarayaan garab istaaga iyo taageerada dowlada Gobaleedka Galmudug.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xashi Cabdi Carabeey oo gaba gabdii Khudbad dheer ka jeediyay munaasabada ayaa waxa uu kaga warbixiyay Caqabadihii ka hor yimid iyo waxyaabihii u qabsoomay tan iyo intii la dhisay dowlad gobaleedka Galmudug.

Madaxweyne ku xigeenka oo soo hadal qaaday Arrimaha dib u heshiisiinta ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in dhawaan shir dib u heshiisiineed uu beelaha wada dega Galmudug uga furi doonaan Galinsoor,isagoona dhanka kale ka dhawaajiyay inay heshiis la galeen culimaa’udiinka Ahlu Sunna waljameece ee gobalada dhaxe.isla markaana dhawaan dhuusamareeb lagu qaban doono dhameystirka heshiska Ahlu sunna.

“Waxan rabaa inan idiin Cadeeyo Anaga Ahlu sunna waan la heshiinay,Ahlu usna si dhab ah ayaan ula heshiinay,waxadna marqaati ka tihiin gudoomiyihii golaha guurtiga inan heshiis sax ah la galnay,gudoomiyihii golaha furlinta ahlu sunna heshiis ayan isna la galnay,sadaxda gole gudoomiyayaashooda ayaan la heshiinay maantana ay nasiib u yeesheen inay ka mid noqdeen dowlad gobaleedka Galmudug.Ayuu yiri Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug.

“Laakin waxaa jira heshiiskaasi dad ka xanaaqay oo maqan oo jooga magalada dhuusa- mareeb oo ah walaalaheena aan ka maarmin una baahan inan la heshiino,waxaana idinku bishaareynayaa todobaadka soo socda in magalada Dhuusamareeb uu ka furmi doono saan rajeynayno shir dib o heshiisiineed oo annaga iyo iyaga noo dhaxeeyo”Ayuu sii raaciyay Madaxweyne ku-xigeenka.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Maxamed Xashi Cabdi Carabeey ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed ee ka soo jeeda deeganada Galmudug inay Maalgashi ku sameeyaan deegaanadooda,isla markaana ay ka qeyb qaataan Horumarinta Galmudug.​

IMG_4062 IMG_4067 IMG_4116 IMG_4134 IMG_4136 IMG_4138 IMG_4140 IMG_4142 IMG_4155 IMG_4158 IMG_4159 IMG_4163 IMG_4173 IMG_4175 IMG_4197

Sawir Qaade:- Abdulkadir Ali Hussein Koronto

Previous Post

Barlamaanka oo meel mariyay sharciga qoxootiga iyo barakacayaasha qaranka

Next Post

Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Soomaaliyo oo Magaalada Nairobi kulan Kula Qaatay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya”Sawirro”

Next Post
Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Soomaaliyo oo Magaalada Nairobi kulan Kula Qaatay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya”Sawirro”

Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Soomaaliyo oo Magaalada Nairobi kulan Kula Qaatay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya"Sawirro"

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Madaxweynaha JFS oo Tacsi Tiiraanyo leh u diray Madaxweynaha dalka Tanzania

September 7, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania...

Soomaaliya oo ka Qaybgashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta

Soomaaliya oo ka Qaybgashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta

September 7, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cali, ayaa Dowladda Soomaaliyeed ku metelay Kalfadhiga...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

September 7, 2026
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa...

Wasiirka Warfaafinta: Dowladda waxay xoojinaysaa dib-u-habaynta Warbaahinta Dowladda iyo ka hortagga dacaayadaha argagixisada

Wasiirka Warfaafinta: Dowladda waxay xoojinaysaa dib-u-habaynta Warbaahinta Dowladda iyo ka hortagga dacaayadaha argagixisada

September 7, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya tan iyo sanadkii 2022...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In